HomeWararDowladaha Soomaaliya iyo Masar oo isku Afgartay Heshiisyo waa weyn

Dowladaha Soomaaliya iyo Masar oo isku Afgartay Heshiisyo waa weyn

Date:

Related stories

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...
- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan heer sare ah la yeeshay Dr. Badr Abdel Aty oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Carabta Masar, oo ka dhacay magaalada Qaahira, Kulanka waxa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo raadinta fursado iskaashi oo cusub, iyada oo lagu heshiiyay in xiriirka la gaarsiiyo heer istiraatiijiyadeed, labada dhinac ayaana isku afgartay in la xoojiyo iskaashiga ganacsiga iyo dhaqaalaha, iyadoo loo marayo Madasha Soomaaliya iyo Masar, oo lagu qaban doono Qaahira Janaayo 2025.

Intii lagu jiray wada hadalka Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa bogaadiyay doorka muhiimka ah ee Masar ay ku leedahay taageeridda dadaallada dib-u-dhiska Soomaaliya iyo sida ay uga go’antahay ilaalinta madax-bannaanida, midnimada, iyo dhuleed ee Soomaaliya, waxaana uu mar kale xaqiijiyay sida Soomaaliya uga go’antahay dhammaan heshiisyada ay la gashay Masar, isagoo hoosta ka xarriiqay muhiimadda iskaashiga joogtada ah ee lagu gaari karo xasilloonida iyo horumarka gobolka.

- Advertisement -

Dhinaca kale Dr. Badr Abdel Aty ayaa markale xaqiijiyay sida Masar uga go’antahay taageeridda madax-bannaanida, midnimada iyo dhuleed ee Soomaaliya, si waafaqsan sharciga caalamiga ah, waxaana uu hoosta ka xarriiqay dadaallada joogtada ah ee Masar ku bixinayso taageeridda dawladda iyo hay’adaha Soomaaliya, isaga oo carabka ku adkeeyay in la xoojiyo xiriir xooggan oo waara oo dhexmara labada dal.

Latest stories