HomeWararTobanaan qof oo lagu dilay duqeymo ay Israa'iil ka geysatay Qasa

Tobanaan qof oo lagu dilay duqeymo ay Israa’iil ka geysatay Qasa

Date:

Related stories

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.

Musharax Galmudug Liban Axmed oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan

Musharax Galmudug oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan Muqdisho,...

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed Baydhabo, 11...

Taliyeyaasha SNA & Booliiska oo kormeeray TURKSOM

Taliyeyaasha ciidamada oo kormeeray Kulliyadda TURKSOM Muqdisho, 11 Juun 2026 –...
- Advertisement -

Tobanaan qof oo reer Falastiin ah aya lagu dilay duqeymo ay Isra’iil subaxnimadii jimcaha maanta ah fulisay, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay dad kale oo ku noolaa xerada qaxootiga Nuseirat ee bartamaha magaalada Qasa.

Wasaaradda caafimaadka ay maamusho Xamaas, ayaa sheegtay in tirada dadka ku dhintay “xasuuqa Nuseirat ay gaartay 30 qof, halka in ka badan 50 qof oo kale lagu dhaawacay, kuwaas oo u badan carruur iyo dad da’a ah.

- Advertisement -

Waxaa weli socda howlaha baadigobka dad ku hoos jira burburka hoostiisa iyo dhismeyaal kale oo duqeyntu lala eegtay.

Wakaaladda wararka Falastiin ayaa ku soo warrantay in diyaaradda aan duuliyaha lahayn ay weerarro dhowr ah ka geysatay dhismeyaal iyo guryo ku yaalay xerada qaxootiga Nuseirat, kaas oo ilaa 30 qof ay ku dhinteen.

Duqeyn diyaaradeed oo Israa’iil ah fulisay, ayaa waxaa sidoo kale ku dhintay saddex qof oo Falastiiniyiin ah.

- Advertisement -

Ilaha dawooyinka Falastiin ayaa xaqiijiyay in weerarro ka dhacay magaalada Qasa yan iyo khamiistii ay ku dhinteen 70 qof oo Falstiiniyiin ah, iyadoo 57 kamid ah dhibanayaasha ay ku sugnaayeen bartamaha iyo koonfurta Qasa.

Latest stories