HomeWararXabsi Haweenka loogu Talagalay oo Laga Hirgaliyay Magaalada Muqdisho 

Xabsi Haweenka loogu Talagalay oo Laga Hirgaliyay Magaalada Muqdisho 

Date:

Related stories

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...
- Advertisement -

Magaalada Muqdisho ayaa markeedii ugu horreysay laga hirgaliyay xabsi loogu talagalay haweenka oo kaliya, taas oo lagu sheegay tallaabo horumarineed oo wax ka taraysa amniga iyo dhaqanka bulshada.

Xabsigan, oo xalay si rasmi ah xarigga looga jaray, ayaa la sheegay inuu ku shaqeyn doono qaab gaar ah oo diiradda saaraya haweenka lagu soo qabto falalka anshax-xumada, gaar ahaan kuwa lagu eedeeyo dhaqan-xumo ku faafinta baraha bulshada iyo isticmaalka maandooriyaha.

- Advertisement -

Munaasabadda furitaanka, oo lagu qabtay xarunta taliska Booliska Gobolka Banaadir, ayaa waxaa si rasmi ah xadhigga uga jaray Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir. Masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan booliska iyo marti sharaf kale ayaa sidoo kale ka qeyb galay munaasabadda, iyagoo ku tilmaamay xabsigan mid wax weyn ka tari doona nidaaminta iyo hagaajinta bulshada.

Taliyeyaasha ka qayb galay ayaa xusay in xabsigan uu yahay mid gaar ah, looguna talagalay in lagu hayo oo kaliya haweenka lagu soo qabto falal wax u dhima dhaqanka guud ee bulshada, gaar ahaan kuwa ku lug yeesha falalka anshax-xumada ama ku xad-gudba sharciga iyagoo adeegsanaya baraha bulshada.

Dadka deegaanka iyo mas’uuliyiinta ayaa rajo ka muujiyay in xaruntan ay xal waara u noqoto haweenka dhibaatada ku haya bulshada, isla markaana ay dhiirrigeliso in la qaato dhaqanka wanaagsan iyo ka fogaanshaha waxyaabaha keeni kara inay ku lug yeeshaan falal sharci-darro ah.

- Advertisement -

Xabsigan cusub ayaa loo arkaa mid muhiim u ah xoojinta nidaamka dhaqanka bulshada, waxaana Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya faraba’an ku haya Haween ku jira Barahabulshada, kuwaasi oo soo gudbiya dhaqan xumo iyo muuqaalo aan u fiicnayn Asnhaxa. Taasi ayaana keentay in xabsigaan la sameeyo.

 

Latest stories