HomeWararAxmed Madoobe iyo iyo dowladda Federaalka oo ku dagaalamaya Gobalka Jubbada Hoose 

Axmed Madoobe iyo iyo dowladda Federaalka oo ku dagaalamaya Gobalka Jubbada Hoose 

Date:

Related stories

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...
- Advertisement -

Wararka naga soo gaaraya Gobalka Jubbada Hoose ayaa xaqiijinaya in dagaal culus uu saaka aroornimadii dhex maray ciidamada Jubbaland iyo kuwa dowladda Federaalka ee dhawaan la geeyay gobolkaasi.

Dagaalka ayaa billowday kaddib markii ciidanka Jubbaland, oo ka amar qaata hoggaamiyaha maamulkaasi Axmed Madoobe, ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Federaalka.

- Advertisement -

Sida ay wararku sheegayaan, dagaalka ayaa ilaa saddex jeer la isku soo celceliyay, iyadoo ugu dambeyn ciidanka Jubbaland dib looga riixay goobihii ay weerarka ku soo qaadeen.

Degmada Waraabale oo hoos timaada Buurgaabo ayaa la xaqiijiyay inay hadda ku sugan yihiin ciidamada dowladda Federaalka, halkaasoo ay fariisin adag ka sameysteen.

Khasaaraha dagaalka ayaa ah mid baaxad leh, iyadoo xogaha aan helnay ay sheegayaan in ugu yaraan saddex gaadiid oo uu lahaa maamulka Jubbaland lagu gubay dagaalka.

- Advertisement -

Labada dhinac ayaa la rumeysan yahay inay soo gaareen khasaare xooggan oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira, inkastoo tirada rasmiga ah aan weli la xaqiijin.

Xaaladda deegaanka ayaa iminka dagan, inkastoo laga cabsi qabo in xiisaddu dib u qaraxdo mar kale, maadaama ay labada dhinac wali isku horfadhiyaan goobaha dagaalka.

Wixii warar ah ee ku soo kordha, kala soco wararkeena dambe.

 

 

 

Latest stories