HomeWararSoomaaliya iyo Uganda oo kulan ka yeeshy Xiriirka Labada dal

Soomaaliya iyo Uganda oo kulan ka yeeshy Xiriirka Labada dal

Date:

Related stories

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.

Musharax Galmudug Liban Axmed oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan

Musharax Galmudug oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan Muqdisho,...

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed Baydhabo, 11...

Taliyeyaasha SNA & Booliiska oo kormeeray TURKSOM

Taliyeyaasha ciidamada oo kormeeray Kulliyadda TURKSOM Muqdisho, 11 Juun 2026 –...
- Advertisement -

Danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee Uganda Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare oo maanta kulan la qaadatay Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Uganda Vincent Bagira ayaa kala hadashay arrimo badan oo xariirka labada dal ah.

Danjire Fardowso ayaa ugu horayn uga mahadcelisay dalka Uganda sida ay uga qeyb qaataan had iyo jeer nabadda iyo dawlad dhiska Soomaaliya, waxa ayna balanqaaday in ay ku dadaali doonto xoojinta xiriirka labada wadan ee Soomaaliya iyo Uganda.

- Advertisement -

Danjiraha iyo Xoghayaha Joogtada ayaa sidoo kale ka hadlay sida ay muhiimka u tahay in la qabto shirarkii Guddiyada Wadajirka ah ee labada dhinac (Joint Permanant Commission’JPC) iyo xilliga ugu haboon ee ay tahay in la qabto iyo sidii loogu diyaargaroobi lahaa, iyadoo lagu wado in kulanka soo socda uu ka dhaco magaalada Muqdisho.

Danjire Fardowsa ayaa intaas kadib ugu dbisay Xoghayaha Joogtada ah dhowr arrimood oo muhiim u ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee degan dalkan Uganda, kuwaas oo u baahan in oo in wax laga qabto.

Xoghayaha Joogtada ayaa kale balan qaaday in ardayda Soomaaliyeed loola macaamili doono sida kuwa EAC-da, isagoo hoosta ka xariiqay in arrinka kala fariisanayaan Wasaardda Waxbarashada, kadibna la gaarsiin doono dhammaan hay’adaha waxbarashada Uganda.

Latest stories