HomeWararItoobiya oo Axmed Madoobe ku taageeraysa dagaal ka dhan ah Dowladda Federaalka

Itoobiya oo Axmed Madoobe ku taageeraysa dagaal ka dhan ah Dowladda Federaalka

Date:

Related stories

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...
- Advertisement -

Dowladda Soomaaliya ayaa si cad u sheegtay in Axmed Madoobe uu noqday nin laga shakiyay kadib markii uu taageero ka helay Itoobiya, isagoo ka jawaabaya cadaadis ka yimid dowladda dhexe ee Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu si toos ah Itoobiya ugu biiray si ay uga caawiso dagaalka ka dhanka ah ciidamada dowladda Soomaaliya ee ka howlgala deegaanada Jubbaland, gar ahaan Raaskaambooni.

Wasiir Fiqi ayaa yiri: “Sheekh ma ahan Axmed Madoobe. Dadkiisa ayuu ka cararay, Itoobiya ayuu miciin biday, waxaan leeyahay ciidanka ka taga ninkaas.” Wasiirku wuxuu ka digay in Axmed Madoobe uu wado qorshe khatar ku ah ammaanka dalka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Waxa uu sidoo kale ugu baaqay shacabka Jubbaland inay ka hor istaagaan taageerada uu siiyo Itoobiya, taasoo uu ku tilmaamay inay tahay mid ka soo horjeeda danaha shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu qorshihiisa ku dhisan yahay falal halis ah oo ujeedadoodu tahay in Soomaaliya loo keeno xasillooni darro dheeraad ah, isagoo hubka u keensaday magaalada Kismaayo, kadib markii Itoobiya ay u deeqday hub aad u fara badan.

Fiqi ayaa sidoo kale xusay in Itoobiya ay horay uga qayb qaadatay falal xadgudub ah oo ka dhan ah Soomaaliya, sida hubaynta maleeshiyaad iyo ku xadgudubka qaranimada Soomaaliya.

- Advertisement -

Wasiir Fiqi ayaa ku adkaystay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay difaaca qaranimada iyo ilaalinta midnimada dalka, isagoo sheegay in Itoobiya aysan noqon karin garab loogu taagan yahay Axmed Madoobe, maadaama ay tahay cadowga ugu weyn ee ummadda Soomaaliyeed.

Isaga oo sii hadlaya, waxa uu sheegay in Axmed Madoobe uu qorshihiisa ku wado sidii uu u xakameyn lahaa Jubbaland, isagoo adeegsanaya taageerada Itoobiya ee hubka iyo milatariga, taasoo uu ku tilmaamay in ay tahay halis u taagan dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

 

Latest stories