HomeWararMadaale oo dalacsiin u xiray Saraakiil ka tirsan Ciidanka Ilaalinta Deegaanka

Madaale oo dalacsiin u xiray Saraakiil ka tirsan Ciidanka Ilaalinta Deegaanka

Date:

Related stories

FIFA to pay Somali referee after US entry bar disrupted World Cup role

World football governing body FIFA has taken an exceptional...

Galmudug demands consensus-led election amid tensions

Somalia’s Galmudug state has rejected any election model imposed...

UN releases $10 mln to avert famine in Somalia as hunger crisis

The United Nations has released $10 million from its...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad...
- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta daraja dalacsiin ah oo ka timid Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud u xiray saraakiil ka tirsan Ciidanka Ilaalinta Deegaanka ee Dowladda Hoose ee Xamar kadib munaasabad ka dhacday xarunta aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Taliyaha Ciidanka Ilaalinta Deegaanka ee Dowladda Hoose ee Xamar General Maxamed Cali Carabow ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho iyo Madaxweynaha JFS dalacsiinta saraakiisha maanta dalacday ee darajada loo xiray kuwaas oo door muhiim ah ku leh hoggaaminta taliska.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa tilmaamay in Ciidanka Ilaalinta Deegaanka ee Dowladda Hoose ee Xamar ay laf dhabar u yihiin kaabayaasha dhaqaalaha, bilicda Caasimadda iyo ka hortagga maandooriyaha sidoo kale wax uu sheegay in had iyo jeer ay ka go’an tahay dhiiragalinta iyo tayeynta ciidanka.

Latest stories