HomeWararXildhibaan Xasan Firimbi oo Raalligaliyay Askarigii uu dhawaan Feeray

Xildhibaan Xasan Firimbi oo Raalligaliyay Askarigii uu dhawaan Feeray

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Xildhibaan Xasan Maxamed Firimbi ayaa raalli-gelin ka bixiyay dhacdo uu 27-kii November ugacan qaaday askari ka tirsan ilaalada Xarunta Golaha Shacabka, gaar ahaan Isbatoore Xuseen Maxamed Xasan. Raalli-gelinta ayaa ka dhacday kulan gaar ah oo lagu qabtay Xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen qaar ka mid ah xildhibaanada Golaha […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Xildhibaan Xasan Maxamed Firimbi ayaa raalli-gelin ka bixiyay dhacdo uu 27-kii November ugacan qaaday askari ka tirsan ilaalada Xarunta Golaha Shacabka, gaar ahaan Isbatoore Xuseen Maxamed Xasan. Raalli-gelinta ayaa ka dhacday kulan gaar ah oo lagu qabtay Xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen qaar ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka.

Dhacdadan ayaa sababtay dhaleeceyn xooggan oo loo jeediyay Xildhibaan Xasan Firimbi, kadib markii lagu eedeeyay inuu feeray askariga xilli uu ku guda jiray shaqadiisa ilaalinta xarunta. Marka uu falkaasi dhacay, ayaa la sheegay in xildhibaanku ka waday xarunta Baarlamaanka fowdo iyo qalalaase.

- Advertisement -

Kulankii lagu raalli-gelinayay askariga waxaa lagu tilmaamay tallaabo lagu soo afjarayo xiisadda arrintan ka dhalatay, waxaana dhinacyadu ku heshiiyeen in la xalliyo arrinta si degdeg ah.

Dhacdadan ayaa soo jiidatay indhaha bulshada, iyadoo si weyn loogu cambaareeyay falkaas, laguna baaqay in xildhibaannada ay ixtiraamaan howlaha iyo shaqaalaha amniga ee ku sugan xarumaha dowladda.

 

- Advertisement -

 

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts