HomeWararMW Xasan Sheekh oo si adag kaga hadlay Xiisadda Axmed Madoobe iyo...

MW Xasan Sheekh oo si adag kaga hadlay Xiisadda Axmed Madoobe iyo Dowladda Federaalka

Date:

Related stories

FIFA to pay Somali referee after US entry bar disrupted World Cup role

World football governing body FIFA has taken an exceptional...

Galmudug demands consensus-led election amid tensions

Somalia’s Galmudug state has rejected any election model imposed...

UN releases $10 mln to avert famine in Somalia as hunger crisis

The United Nations has released $10 million from its...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad...
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si qoto dheer uga hadlay khilaafka taagan ee u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland, isagoo dul istaagay xaaladda deegaannada Jubbaland iyo aragtida dowladda ee ku aaddan masiirka dadka ku nool halkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa caddeeyay in dowladda aysan ku dhaqaaqin dagaal ka dhan ah Jubbaland, isagoo si cad u sheegay in dowladdu aysan u adeegsan doonin xoog milatari xalinta khilaafka siyaasadeed.

- Advertisement -

“Dowladda Soomaaliya meel xoog milatari xal siyaasadeed looga raadineyo ma jiro, mana duulin Jubbaland,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo hoosta ka xarriiqay in dowladda ay ka go’an tahay inay si nabad ah u xalliso murannada jira.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku eedeeyay hoggaamiyaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), inuu ka dhego adeegay dhammaan dadaalladii nabadeynta iyo wada-hadallada ay dowladdu hormuudka ka ahayd. “Waxaan isku daynay inaan Axmed Madoobe miiska wadahadalka keeno, balse wuu ka biya diiday,” ayuu raaciyay.

Xaaladda siyaasadeed ee ka dhaxeysa dowladda dhexe iyo Jubbaland ayaa hadda maraysa heerkii ugu xumaa, iyadoo labada dhinac ay isku eedeynayaan culeyska iyo sii xoojinta khilaafka. Dhanka kale, waxaa lasoo wariyay in dowladda ay ciidamo badan geysay Raaskambooni, taas oo sii kordhisay dareenka murugsan ee ka jira gobolka.

- Advertisement -

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntii ku baaqay in mas’uuliyadda dadka iyo deegaannada Jubbaland la wada ilaaliyo, iyadoo laga fogaanayo isku dhac iyo burbur siyaasadeed oo saameeya dadweynaha ku nool halkaas.

 

Latest stories