HomeWararWeerar dhimasho iyo dhaawac gaystay oo lagu Qaaday Masuul ka tirsan Deg....

Weerar dhimasho iyo dhaawac gaystay oo lagu Qaaday Masuul ka tirsan Deg. Daarusalaam

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Faah faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya dabley hubaysan oo weeerar ku qaaday masuuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Daarusalaam iyo dad shacab ah. Wararka nasoo gaaraya ayaa sheegaya in dabley hubaysan ay dhaawaceen gudoomiye ku xigeenka arinaha bulshda ee degmada Daara Salaam Guure Maxamed Xersi. Wararka aan helanay ayaa intaas ku daraya in Masuulkaasi markii […]

- Advertisement -

Faah faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya dabley hubaysan oo weeerar ku qaaday masuuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Daarusalaam iyo dad shacab ah.

Wararka nasoo gaaraya ayaa sheegaya in dabley hubaysan ay dhaawaceen gudoomiye ku xigeenka arinaha bulshda ee degmada Daara Salaam Guure Maxamed Xersi.

- Advertisement -

Wararka aan helanay ayaa intaas ku daraya in Masuulkaasi markii la weerarayay uu ku jiray meel Gym ah oo ku taala isgooska ex koontarool Balcad dhanka degmada Hilwaa, sida ay soo sheegayaan dad goobjoogayaal ah.

Kooxdii dableyda ahayd ee weerar soo qaaday ayaa Sidoo kale waxaa la sheegay inay  goobta ku dileen ninkii lahaa jiimka.

Masuuliyiin ka tirsan degmada ayaa xaqiijiyay falkaasi, lagu dhaawacay Guddoomiye ku xigeenka, waxaana socda baaritaanno ay wadaan Ciidanka ammaanka.

- Advertisement -

Kooxda dilka gaysatay ayaa ku baxsatay gaariga uu lahaa gudoomiye ku xigeenka oo la sheegay in uu banaanka yaalay.

Dableyda weerarkaasi fulisay ayaaa la aaminsan yahay inay AS ka tirsan yihiin inkastoo aysan jirin ilaa iyo hadda cid si ramsi ah u caddeyay, falalka noocaan ah ayaana looga bartay dagaalamayaasha As.

Latest stories