HomeWararShariif Sheekh Axmed oo si adag uga hadlay barakicinta shacabka iyo burburinta...

Shariif Sheekh Axmed oo si adag uga hadlay barakicinta shacabka iyo burburinta guryahooda

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa si kulul uga hadlay arrinta barakicinta iyo burburinta ay dowladda Soomaaliya ka waddo dhul ay deganaayeen dad shacab ah, taas oo dhalisay muran iyo caro badan.

Sheekh Shariif ayaa su’aal ka keenay ujeedka rasmiga ah ee ka dambeeya tallaabadan, isagoo tilmaamay in wararka qaarkood ay muujinayaan in dhulkaasi lagu wareejin doono ganacsato awood badan. Waxa uu xusay in xaaladdan ay u baahan tahay cadaalad iyo qorshe rasmi ah oo lagu xaqiijinayo in dadka shacabka ah aan lagu dayicin masiirkooda.

- Advertisement -

“Qof 30-sano meel deganaa, oo isaga laftiisu xoreynta dalka qeyb ka ahaa, in aad barakicisid oo ilmihiisa bannaanka u tuurtid, qof kale oo hantiile ahna uu hanti ka sameeyo, cadaalad ma ahan,” ayuu yiri Sheekh Shariif, isagoo tilmaamay in tani ay dhaawacayso kalsoonida shacabka ee dowladda.

Madaxweynihii hore ayaa ku baaqay in dadka shacabka ah ee la barakiciyay loo diyaariyo meel ay ku noolaadaan oo ka wanaagsan halkii ay markii hore joogeen. Waxa uu sidoo kale hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in laga fogaado ficillada keeni kara cabasho bulsho iyo jahawareer.

Dhulka Kaluunka, oo ah goob muddo dheer ay degganaayeen qoysas fara badan, ayaa lagu amray in la banneeyo. Dadka deegaanka ayaa cabasho ka muujiyay in aysan haysan wax beddel ah ama magdhow lagu hagaajinayo xaaladdooda. Dowladda ayaa ku doodeysa in dhulkaasi uu yahay mid dowladeed oo loo baahan yahay in loo isticmaalo ujeeddooyin horumarineed, balse dadka deegaanka ayaa arrintaas ku tilmaamay mid aan cadaalad ahayn.

- Advertisement -

 

 

 

 

Latest stories