HomeWararDowladda oo Xalay Saq dhexe ku dheelmatay burburinta dhulkii Xero Kalluun

Dowladda oo Xalay Saq dhexe ku dheelmatay burburinta dhulkii Xero Kalluun

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay inay xalay burburisay guryaha iyo barakicisay dad shacab ah oo deggenaa dhulka loo yaqaan Xero Kalluun, oo ku yaalla degmada Waaberi, agagaarka hoteelka Jazeera. Dadka deegaanka ayaa sheegay in saq dhexe ay ku baraarugeen cagaf-cagafyo burburinaya guryahooda, iyadoo aan wax ogeysiis ah loo soo sheegin. Dhulkan, oo muddo dheer hoy […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay inay xalay burburisay guryaha iyo barakicisay dad shacab ah oo deggenaa dhulka loo yaqaan Xero Kalluun, oo ku yaalla degmada Waaberi, agagaarka hoteelka Jazeera.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in saq dhexe ay ku baraarugeen cagaf-cagafyo burburinaya guryahooda, iyadoo aan wax ogeysiis ah loo soo sheegin. Dhulkan, oo muddo dheer hoy u ahaa dad danyar ah, ayaa si buuxda loo cagta mariyay. Mid ka mid ah dadka la barakiciyay ayaa sheegay: “Waxaan ku waabariisannay inaan aragno guryaha oo lagu burburinayo cagaf-cagafyo, dadkana bannaanka lagu tuurayo.”

- Advertisement -

Tallaabadan ayaa dhalisay caro iyo walaac xooggan, gaar ahaan dhinacyada mucaaradka oo si kulul uga hadlay arrintan. Masuuliyiinta mucaaradka ayaa ku eedeeyay dowladda inay ku guuldareysatay in ay u qorsheyso meel kale oo ay dadka la barakiciyay ku noolaadaan. Waxa ay sidoo kale shaki ka muujiyeen in barakicintan ay ku lug leeyihiin shirkado ganacsi iyo ganacsato awood badan, taas oo shaki gelinaysa danta guud ee loo cuskanayo burburinta.

Inkastoo dowladda ku adkeysanaysa in dhulkan uu yahay mid dowladeed oo loo adeegsan doono dan guud, haddana ujeedka rasmiga ah ee arrintan ka dambeeya ma cadda. dowladda ayaa horey sidan oo kale uga barakicisay dad deggenaa dhulal dowladeed oo iyagana aan loo helin xal waara.

Dad badan oo ka faallooda arrimaha bulshada ayaa walaac ka muujiyay in burburinta iyo barakicinta noocan ahi ay caqabad weyn ku noqon karto kalsoonida bulshada ee dowladda. Waxa ay sidoo kale dalbadeen in dadka laga barakicinayo dhulalka noocan oo kale ah loo diyaariyo meel ammaan ah oo ay ku noolaadaan.

- Advertisement -

Cabashada ugu weyn ayaa ah in dadka danyarta ah la barakicinayo si dhulkooda loogu wareejiyo shirkado waaweyn, taas oo bulshada ku abuurtay shaki weyn oo ku saabsan caddaaladda iyo daah-furnaanta hababka maamulka ee dowladda.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts