HomeWararCiidamo ka tirsan Jubbaland oo mar kale iska dhiibay Raaskambooni

Ciidamo ka tirsan Jubbaland oo mar kale iska dhiibay Raaskambooni

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dhacdo xasaasi ah oo ka taagan gobolka Jubada Hoose, halkaas oo ciidamo ka tirsan Maamulka Jubbaland, sida la sheegay, isku dhiibay Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan deegaanka Raaskambooni.

Warbixinno cusub oo nasoo gaaray ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 100 askari oo ka tirsan Ciidanka Jubbaland ay gaareen Raaskambooni, kuwaas oo ka tagay Buurgaabo, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

- Advertisement -

Ciidamadan ayaa ka mid ah kuwa Jubbaland ee kasoo baxay magaalada Kismaayo dhowaan. Sida wararka qaar ay sheegayaan, waxaa sidoo kale la baahin doonaa muuqaallo muujinaya soo dhoweyn iyo is-dhexgal ay ciidamadan ku sameeyeen Raaskambooni.

Dhinaca kale shalay ay ahayd markii 110 askari oo kale oo ka tirsan Jubbaland ay isku dhiibeen Ciidanka Raaskambooni, dhacdadan oo warbaahinta gudaha ay si weyn u faafisay. Ciidamada dowladda ee ku sugan Raaskambooni ayaa markale soo bandhigay ciidamo kale oo isku dhiibay, kuwaasoo la sheegay inay horey uga tirsanaayeen Maamulka Jubbaland.

Xiisadda u dhaxaysa Maamulka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa weli taagan. Dowladda Federaalka ayaa si cad uga hor timid doorashada Axmed Madoobe ee socda, xiisaddan siyaasadeed ee u dhaxaysa dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland ayaa sii hurisay dareenka bulshada ee ku aaddan xasilooni darrada ka taagan Koonfurta Soomaaliya.

- Advertisement -

Latest stories