HomeWararBiden oo Cafis u fidiyay Wiilkiisa oo loo haystay wax is dabamarin

Biden oo Cafis u fidiyay Wiilkiisa oo loo haystay wax is dabamarin

Date:

Related stories

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...

Mogadishu sees lull in fighting after mediation

Clashes between Somali government forces and opposition-aligned groups in...

Police say no protest allowed as fighting erupts in Mogadishu

Police in Somalia's capital Mogadishu said security forces were...
- Advertisement -

Madaxweynaha xilka kasii dagaya ee Mareykanka Joe Biden ayaa xalay sheegay in uu cafis u fidiyay wiilkiisa Hunter Biden, kaas oo wajahayay fal danbiyeedyo kala duwan.

Eedaha iyo fal danbiyeedyada loo heysto ina Biden ayaa waxaa ka mid ah, in uu been ka sheegay baaritaanka lagu hubiyo dadka raba in ay hub iib sadaan, in uu heystay hub sharci darro ah, iyo isaga oo qirtay fal danbiyeed la xiriira canshuurta dowladda federaalka.

- Advertisement -

Bayaan kasoo baxay Aqalka Cad ayuu Biden ku yiri, “Maanta waxaan saxiixay cafis aan u fidiyay wiilkeyga Hunter. Maalinti aan xafiiska imid, waxaan dhahay, ma faragelin doono go’aannada Waaxda Caddaaladda, hadalkeygi marna ma aanan baddalin, xitaa aniga oo arkaya wiilkeyga si gaar ah loo soocday, isla markaana loo maxkamadeynayo si aan caddaalad aheyn.”

Aqalka Cad ayaa dhowr jeer oo hore ku celceliyay, in Biden uusan cafis u fidineyn wiilkiisa ama uusan dhimi doonin sannadaha ay maxkamadi ku xakunto. Wiilkiisa Hunter, oo kasoo kabanaya daroogo uu qabatimiay, ayaa bartilmaameed u noqday siyaasiyiinta Jamhuuriga, gaar ahaan madaxweynaha la doortay, Donald Trump.

Latest stories