HomeWararSoomaaliya iyo Serbia oo kala saxiixday heshiis dhinaca amniga ah.

Soomaaliya iyo Serbia oo kala saxiixday heshiis dhinaca amniga ah.

Date:

Related stories

FIFA to pay Somali referee after US entry bar disrupted World Cup role

World football governing body FIFA has taken an exceptional...

Galmudug demands consensus-led election amid tensions

Somalia’s Galmudug state has rejected any election model imposed...

UN releases $10 mln to avert famine in Somalia as hunger crisis

The United Nations has released $10 million from its...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad...
Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo kulan la yeeshay dhigiisa dalka Serbia Ivica Dačić, ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi oo kor loogu qaadayo xiriirka labada dal, gaar ahaan ahaan dhinacyada amniga iyo tababarrada Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa sheegay in heshiiskani uu wax weyn ka beddelayo iskaashiga labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa tababarrada iyo tayeynta Ciidanka amniga Soomaaliya.
“Xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Serbia, waa mid qoto dheer oo soo jiray sanado badan, tallaabada maanta aan ku saxiixnay heshiiskani waxa ay sii xoojin doontaa taageerada iyo iskaashiga saaxiibtinimo ee ay wadaaggaan labada waddan”.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Serbia, ayaa tallaabo taariikhi ah ku tilmaamay heshiiska ay gaareen labada dal, waxaana uu hoosta ka xariiqay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka labada dal.
Serbia waxa ay door muhiim ah ka qaadata dadaallada dib-u-dhiska dowladnimo ee Soomaaliya, gaar ahaan tababarka Ciidamada iyo horumarinta hey’adaha amniga Qaranka.

Latest stories