HomeWararAxmed Madoobe oo dhaarintiisa Kadib Weerar Afka ah Ku Qaaday RW Xamse

Axmed Madoobe oo dhaarintiisa Kadib Weerar Afka ah Ku Qaaday RW Xamse

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), oo maanta markale loo dhaariyay xilka madaxweynaha Jubbaland, ayaa hadal kulul ku weeraray madaxda ugu sarreysa dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre. Madoobe ayaa ku eedeeyay labada mas’uul inay wadaan “weerar cad” oo ka dhan ah maamulkiisa, isaga oo si gaar […]

- Advertisement -

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), oo maanta markale loo dhaariyay xilka madaxweynaha Jubbaland, ayaa hadal kulul ku weeraray madaxda ugu sarreysa dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Madoobe ayaa ku eedeeyay labada mas’uul inay wadaan “weerar cad” oo ka dhan ah maamulkiisa, isaga oo si gaar ah farta ugu fiiqay Ra’iisul Wasaare Xamse, oo uu ku sheegay inuu ka horyimid Jubbaland, inkastoo uu isagu ka soo jeedo deegaannada maamulkaas.

- Advertisement -

Weerar uu ku qaaday Ra’iisul Wasaare Xamse

Axmed Madoobe ayaa hadalladiisa ku duray Ra’iisul Wasaaraha, isagoo ku tilmaamay “mid ku caasiyoobay Jubbaland.” Waxa uu sheegay in Jubbaland ay u aqoonsatay Xamse inuu yahay xildhibaan matalaya deegaanka, hase yeeshee uu hadda ka shaqeynayo “dumiya maamulkooda.”

“Ra’iisul Wasaare Xamse waxaan leeyahay, dad kaa awood badan ayaa horay isku dayay inay wax naga qaadaan, laakiin taas ma aysan suurtagelin. Adigu waxba nagama qaadi kartid,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

- Advertisement -

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale u jeediyay farriin toos ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. “Wada hadal ayaan diyaar u ahay, Xasan Sheekh waxaan ku leeyahay, taariikhda dib ha u celin. Waxaa nasiib darro ah in Ra’iisul Wasaare Xamse loo adeegsado Jubbaland,” ayuu yiri Madoobe, isagoo ku eedeeyay dowladda federaalka inay si ula kac ah khilaaf uga dhex abuureyso dowlad goboleedka Jubbaland.

“Aniga Keliya ayaa Madaxweyne ka ah Jubbaland”

Axmed Madoobe ayaa si adag uga jawaabay shakiga laga muujiyay hogaamintiisa, isagoo sheegay in uusan jirin qof kale oo Jubbaland hoggaaminaya. “Ma jiro Madaxweyne kale oo Jubbaland ka jira. Aniga ayaa maanta ah Madaxweynaha Jubbaland,” ayuu yiri.

Hadalka Axmed Madoobe ayaa dab cusub kusii shiday xiriirka qasan ee u dhexeeya Jubbaland iyo dowladda federaalka. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horey u caddeysay inaanay aqoonsaneyn doorashooyinka Jubbaland, kuwaas oo ay ku tilmaantay kuwo sharci-darro ah.

Inkasta oo dowladda federaalka aysan weli ka jawaabin dhaarinta Axmed Madoobe, haddana khilaafka soo noqnoqday ayaa u muuqda mid sii qota dheer, iyadoo beesha caalamka iyo qeybaha siyaasadda dalka ay si dhow u eegayaan xaaladda.

 

Latest stories