HomeWararIsra’il oo 20 qof ku dishay qarax mug weyn oo ka dhacay...

Isra’il oo 20 qof ku dishay qarax mug weyn oo ka dhacay Beyrut

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Isra’il ayaa Sabtidi shalay sii wadday duqeymaha dhinaca cirka ah oo ay bilihi dhawaa ka wadday dalka Lubnan, iyadoo qaraxi shalay oo lagu tilmaamay mid ka mid ah kuwi ugu cuslaa lala beegsaday bartamaha caasimadda Beyrut. Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay, in qaraxi shalay oo dhacay iyadoo aaney ciidamada Isra’il bixin wax digniin ah lagu […]

- Advertisement -

Isra’il ayaa Sabtidi shalay sii wadday duqeymaha dhinaca cirka ah oo ay bilihi dhawaa ka wadday dalka Lubnan, iyadoo qaraxi shalay oo lagu tilmaamay mid ka mid ah kuwi ugu cuslaa lala beegsaday bartamaha caasimadda Beyrut.

Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay, in qaraxi shalay oo dhacay iyadoo aaney ciidamada Isra’il bixin wax digniin ah lagu dilay ugu yaraan 20 qof, halka ay ku dhaawacmeen 66 kale.

- Advertisement -

Saraakiishu waxay sheegeen in qaraxani uu noqonayo, kii afraad oo ay Isra’il ku bartilmaameedsaneyso bartamaha magaalada caasimadda ah ee Beyrut marki afraad wax ka yar hal todobaad.

Duqeymo kale oo kala gaar ahaa oo ay Sabtidi ciidanka Isra’il ku rusheeyeen magaalooyinka Suur iyo Shamistaar ee koofurta iyo bariga Lubnan, ayaa la sheegay in lagu dilay ugu yaraan 10 qof.

Isra’il wali wax war ah kama soo saarin duqeymihi Sabtidi, hase yeeshee xiisadda sii kululaaneysa ee Isra’il iyo Xusbullah ayaa imaneysa xilli uu todobaadki hore ergayga Mareykanka ee Xiisadan ayaa timid kadib markii ergeyga Mareykanka ee Bariga Dhexe Amos Hochstein uu u safray Mandiqada si uu isugu dayo xal heshiis xabbad joojin ah oo lagu soo afjaro colaadda.

Latest stories