HomeWararMadaxweynaha dhawaan la doortau ee Mareykanka oo Xilal u magacaabay siyaasiyiin daacad...

Madaxweynaha dhawaan la doortau ee Mareykanka oo Xilal u magacaabay siyaasiyiin daacad u ah

Date:

Related stories

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa Arbacadi magacaabay qaar ka mid ah xubnaha golahiisa wasiirrada ee soo socda, kuwaas oo dhammaantood ka mid ah siyaasiyiinti daacawadda u ahaa, hase yeeshee lagu tilmaamay kuwo aanan khibrad u laheyn jagooyinka uu u magacaabay. Tallaabadaas ayaa ka yaabsatay qaar ka mid ah xulufadiisa midigta, iyada oo […]

- Advertisement -

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa Arbacadi magacaabay qaar ka mid ah xubnaha golahiisa wasiirrada ee soo socda, kuwaas oo dhammaantood ka mid ah siyaasiyiinti daacawadda u ahaa, hase yeeshee lagu tilmaamay kuwo aanan khibrad u laheyn jagooyinka uu u magacaabay.

Tallaabadaas ayaa ka yaabsatay qaar ka mid ah xulufadiisa midigta, iyada oo ay dadka lafa gura siyaasadda Mareyka ay ku tilmaameen sida ay dhab uga tahay Trump ballan qaadkiisii ahaa in uu dib u qaabeyn doono hey’adaha dowladda federaalka.

- Advertisement -

Trump ayaa Wasiirka Caddaaladda u magacaabay Matt Gaetz oo ah 42 jir ka tirsan Koongareeska Mareykanka lagana soo doorto degmada koowaad ee gobolka Florida. Matt oo horay u soo noqday garyaqaan ayaanan waligiis kasoo shaqeyn Waaxda Caddaaladda.

Trump wuxuu sidoo kale shalay haweeneyda lagu magacaabo Tulsi Gabbard u magacaabay Agaasimaha Hey’adda Sirdoonka Qaranka. Tulsi, oo horay u aheyd mudane Dimoqraadi ah oo ka tirsan Koongareeska balse isu baddashay Jamhuuri, ayaanan laheyn khibrar toos ah oo dhanka mukhaabaraadka Mareykanka, hase yeeshee maamuli doonta hey’addaan oo ay hoos yimaadaan ilaa 18 laamood oo ka mid ah hey’adaha sirdoonka Mareykanka.

Latest stories