HomeWararSoomaaliya oo ka qayb gashay Shir Caalami ah oo ka dhacay Azerbajaan

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shir Caalami ah oo ka dhacay Azerbajaan

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada JFS, Amb. Khadija Mohamed Almakhzoumi, ayaa khudbad ka jeedisay kulan muhiim ah oo looga hadlayay dib u qaabeynta nidaamka maaliyadda aduunka iyo doorka Sanduuqa Maalgalinta Cimiladda (Green Climate Fund) ee ku saabsan taageerada maaliyadeed ee dalalka u nugul isbeddelka cimilada. Kulankan oo barbar socda shirweynaha COP29 ee ka socda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada JFS, Amb. Khadija Mohamed Almakhzoumi, ayaa khudbad ka jeedisay kulan muhiim ah oo looga hadlayay dib u qaabeynta nidaamka maaliyadda aduunka iyo doorka Sanduuqa Maalgalinta Cimiladda (Green Climate Fund) ee ku saabsan taageerada maaliyadeed ee dalalka u nugul isbeddelka cimilada. Kulankan oo barbar socda shirweynaha COP29 ee ka socda Baku, dalka Azerbaijan, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo abuuri lahaa nidaam dhaqaale oo casri ah, kaas oo bixiya maalgelin hufan oo wax ka qabta caqabadaha isbeddelka cimilada.

Wasiirka ayaa madasha ka sheegtay in Soomaaliya ay uga mahadcelineyso taageerada GCF, oo ansixiyay mashruuc taariikhi ah oo $100M ah kaas oo naga caawinaya inaan dhisno adkeysi bulsho iyo inaan awood siino dadka ay saameeyeen isbeddelka cimilada si ay uga jawaabaan dhibaatooyinkaasi. Maalgelintan waxay muhiim u tahay Soomaaliya, iyadoo fursad u siinaysa inay hore ugu sii socoto oo ay abuurto xalal waara oo wax ka qabta isbeddelada cimilada ee dalkeenna.

- Advertisement -

Intii uu socday kulanka, GCF ayaa soo bandhigtay qorshaha dib-u-habeynta si loo yareeyo caqabadaha habka maalgelinta, iyadoo loogu talogalay in la gaarsiiyo $50 bilyan oo maalgelin ah sanadka 2030. Wasiirka ayaa bogaadisay qorshahan, iyadoo ku baaqday in si wadajir ah loo abuuro nidaam dhaqaale oo waxtar leh oo taageero buuxda siin kara dalalka sida Soomaaliya oo kale ah, si ay awood ugu yeeshaan la tacaalida saameynta isbeddelka cimilada.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts