HomeWararNISA iyo Ciidanka Xoogga oo sheegay inay Fashiliyeen Qaraxyo

NISA iyo Ciidanka Xoogga oo sheegay inay Fashiliyeen Qaraxyo

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Ciidamada Xoogga Dalka, gaar ahaan Ururka 141-aad ee Guutada 14-ka October oo ka howlgala degmada Marka, iyo Ciidanka NISA ee halkaas ka hawlgala ayaa shaaciyey inay ku guuleysteen fashilinta miino ay halkaas ku aaseen kooxaha Al-Shabaab. Saraakiisha ayaa xaqiijiyey in miinadan la geliyey jidka u dhexeeya Marka Cadey iyo Buufow-bacaad. Tallaabada lagu fashiliyey qaraxan ayaa […]

- Advertisement -

Ciidamada Xoogga Dalka, gaar ahaan Ururka 141-aad ee Guutada 14-ka October oo ka howlgala degmada Marka, iyo Ciidanka NISA ee halkaas ka hawlgala ayaa shaaciyey inay ku guuleysteen fashilinta miino ay halkaas ku aaseen kooxaha Al-Shabaab.

Saraakiisha ayaa xaqiijiyey in miinadan la geliyey jidka u dhexeeya Marka Cadey iyo Buufow-bacaad. Tallaabada lagu fashiliyey qaraxan ayaa suurta gashay kaddib markii dadka deegaanka xog ku saabsan miinada ay la wadaageen Ciidanka Xoogga Dalka, taasoo keentay in miinada laga saaro goobta iyadoon wax khasaare ah la geysan.

- Advertisement -

Intaa waxaa dheer, saraakiishu waxay xuseen inay saacadihii la soo dhaafay fuliyeen howlgallo gaar ah oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaasoo ka dhacay qaybo ka mid ah Shabeellaha Hoose.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa inta badan miinooyin ku aasa waddooyinka muhiimka ah ee ay isticmaalaan ciidamada dowladda iyo dadweynaha shacabka ah, taasoo ay ka dhalato khasaare ba’an. Hore ayaa qaraxyo ka dhacay gobolkaasi ay sababeen dhaawac iyo dhimasho soo gaaray dadka shacabka ah iyo ciidamada dowladda.

Latest stories