HomeWararGudiga Arimaha dibadda Golaha Shacabka oo la kulmay Safiirka Shiinaha

Gudiga Arimaha dibadda Golaha Shacabka oo la kulmay Safiirka Shiinaha

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Xoghayaha Gudiga Arimaha dibadda iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Golaha Shacabka, sidoo kalena ah Xoghayaha Gudiga Saaxibtinimada Baarlamaanada Soomaaliya iyo Shiinaha Xildhibaan Sayid Cali Isaaq Maxamed ayaa Magaaladda Muqdisho kulan kula qaatey Danjiraha Jamhuuriyada Shacabka ee Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Wang Yu, waxaa ayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada Baarlamaan gaar ahaan labada guddi […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Xoghayaha Gudiga Arimaha dibadda iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Golaha Shacabka, sidoo kalena ah Xoghayaha Gudiga Saaxibtinimada Baarlamaanada Soomaaliya iyo Shiinaha Xildhibaan Sayid Cali Isaaq Maxamed ayaa Magaaladda Muqdisho kulan kula qaatey Danjiraha Jamhuuriyada Shacabka ee Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Wang Yu, waxaa ayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada Baarlamaan gaar ahaan labada guddi ee arrimo dibadeed.

Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Danjire Wang Yu ayaa ku dheeraadey xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya Shiinaha iyo Soomaaliya isaga oo xusay ahmiyada ay leedahay Iskaashiga saaxiibtinimada ku dhisan ee ka dhaxeeya labada dal.

- Advertisement -

Xoghayaha Gudiga Arimaha dibadda Iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Golaha ayaa safiirka uga mahadceliyey dowladda Shiinaha taageeradeeda Soomaaliya, waxaa ayna ugu dambeyn isla qaateen in la xoojiyo wada shaqeyn waarta oo dhexmarta dhinacyada.

Latest stories