HomeWararWasiirka Arrimaha Dibadda oo la kulmay James Swan si loo xoojiyo wada...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo la kulmay James Swan si loo xoojiyo wada shaqeynta Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Date:

Related stories

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa la kulmay James Swan, Wakiilka KMG ah ee Qaramada Midoobay, si loo xoojiyo wada shaqeynta istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, loogana wada hadlo arrimaha mudnaanta leh. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray doorka cusub ee Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, dadaallada lagu horumarinayo amniga, […]

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa la kulmay James Swan, Wakiilka KMG ah ee Qaramada Midoobay, si loo xoojiyo wada shaqeynta istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, loogana wada hadlo arrimaha mudnaanta leh. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray doorka cusub ee Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, dadaallada lagu horumarinayo amniga, iyo wada hadallada Golaha Wada Tashiga Qaranka (NCC) ee dhexmara madaxda dowlad goboleedyada.

Swan ayaa ugu hambalyeeyay Danjire Fiqi iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya hirgelinta miishanka Ku-meelgaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS), kaas oo la daah-furay 1-da Nofeembar. Wadahadalkoodu wuxuu xoogga saaray wejiga koowaad ee qorsheynta, iyada oo la xoojinayo isku xirka hawlaha Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya, lana dejinayo khariidad wadashaqeyn oo mideysan si UNTMIS ay ula jaanqaado himilooyinka istiraatiijiga ah ee Soomaaliya ee ku aaddan nabadda iyo horumarka. Khariidadani waxay xoojin doontaa doorka hogaamineed ee Soomaaliya ee horumarinta nabadda iyo amniga gobolka.

- Advertisement -

Danjire Fiqi ayaa sidoo kale uga warbixiyay Swan horumarka laga sameeyay wada-hadallada Ankara, isaga oo muujiyay sida ay dowladda uga go’an tahay hirgelinta habka doorasho ee qof iyo cod.  Labada dhinac ayaa ku adkeystay muhiimadda iskaashiga joogtada ah si loo taageero horumarka Soomaaliya ee ku wajahan nabadda iyo maamul wanaagga dimuqraadiyadda.

Latest stories