HomeWararMW Xasan Sheekh oo Xildhibaannada ka codsaday in dib loo dhigo xiritaanka...

MW Xasan Sheekh oo Xildhibaannada ka codsaday in dib loo dhigo xiritaanka kalfadhiga 5aad

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Guddoonka labada gole ee Baarlamaanka 11-aad Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo ay wehelliyaan ku xigeennada labada Gole, ayaa ka shir guddoomiyay kulan aan caadi ahayn oo uu maanta fadhiga Baarlamaanka khudbad ugu jeediyay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u jeediyay Mudanayaasha Baarlamaanka khudbad uu […]

- Advertisement -

Guddoonka labada gole ee Baarlamaanka 11-aad Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo ay wehelliyaan ku xigeennada labada Gole, ayaa ka shir guddoomiyay kulan aan caadi ahayn oo uu maanta fadhiga Baarlamaanka khudbad ugu jeediyay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u jeediyay Mudanayaasha Baarlamaanka khudbad uu kaga hadlay guulaha laga gaaray dagaalka AS, dib u dhiska, koboca dhaqaalaha Dalka, xadgudubka Itoobiya ku samaysay Madaxbannaanida Soomaaliya, dib u heshiisiinta, howlaha kala guurka ee bixitaanka ATMIS iyo hirgelinta arrimaha doorashooyinka qof iyo codka ah, wuxuuna Madaxwaynuhu Mudanayaasha Baarlamaanka ka codsaday in ay shacabka Soomaaliyeed ugu hiiliyaan go’aan ka gaarista masiirkooda qofka ay dooranayaan oo dalkana la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah.

- Advertisement -

Madaxwayne Xasan Sheekh, wuxuu Xildhibaannada Labada Aqal ka codsaday in dib loo dhigo xiritaanka kalfadhiga 5aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,  isla markaana muddo bil ah ay sii shaqeeyaan mudanayaasha labada Aqal oo ay meelmariyaan shuruucda lagamamaarmaanka u ah dhismaha hay’adaha hoggaaminaya ee hirgelinaya doorasho toosan oo qof iyp cod oo ay ugu horreeyaan shuruucda Doorashooyinka iyo axsaabta Dalka.

Intaas ka dib, shir guddoonka kulanka ayaa cod geliyay codsiga madaxwaynaha ee ahaa in muddo bil fasoxooda ah ay shaqeeyaan Mudanayaasha Baarlamaanka, iyagoo ka waajib gudanaya ansixinta sharciyada lagama maarmaanka u ah dhismaha hay’adaha hoggaaminaya ee hirgelinaya doorasho toosan oo qof iyo cod ah, waxaana ogolaaday codsiga madaxwaynaha 181 Mudane, waxaa diiday 12 Mudane wax ka aamusayna ma jirin, sidaas ayuuna dhaqan gal ku noqday codsiga madaxwaynaha ee ahaa in muddo bil ah ay sii shaqayaan Xildhibaannada Labada Gole ee Baarlamaanka 11-aad.

Latest stories