HomeWararBooliska oo war kasoo saaray dagaal saaka ka dhacay Degmada Hodan

Booliska oo war kasoo saaray dagaal saaka ka dhacay Degmada Hodan

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay dagaal saaka qaybo ka mid ah degmada Hodan ku dhexmaray Ciidamo Boolis ah iyo Ciidan ka tirsan Millateriga oo u abaabulnaa qaab qabiil sida Saraakiisha Boolisku sheegay. Xaafado ka tirsan Degmada ayay isku dayeen Ciidanka Boolisku inay ka barakiciyaan dad danyar ah oo halkaasi deganaa, waxaana taas […]

- Advertisement -

Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay dagaal saaka qaybo ka mid ah degmada Hodan ku dhexmaray Ciidamo Boolis ah iyo Ciidan ka tirsan Millateriga oo u abaabulnaa qaab qabiil sida Saraakiisha Boolisku sheegay.

Xaafado ka tirsan Degmada ayay isku dayeen Ciidanka Boolisku inay ka barakiciyaan dad danyar ah oo halkaasi deganaa, waxaana taas xigtay weerar kaga yimid Ciidamo Millateri ah oo sida la sheegay difaacayay dadka degaanka.

- Advertisement -

Khasaare ayaa ka dhashay dagaalka dhexmaray labada dhinac, waxaana markii dambe lagu guulaystay joojinta dagaalkaasi.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen 12 ka mid ah Ciidankii Millateriga ahaa ee weerarka soo qaaday, kuwaasi oo uu sheegay in sharciga ay la tiigsan doonaan.

Waxaa intaas uu ku daray Afhayeenka Booliska in shaqsiyaadka Millateriga ay ahaayeen kuwo u abaabulnaa qaab qabiil isla markaana doonayay inay is hor istaag ku sameeyaan howgalka Booliska ee lagu barakicinayay dadka shacabka ah ee aagga dagaalku ka dhacay.

- Advertisement -

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray howgalku uu ahaa mid waddo furis ah, inkastoo wararka qaar sheegayaan ujeedka Booliska inuu ahaa barakicinta dadka degaankaasi ku nool oo sida la sheegay degan dhul ay dowladdu leedahay.

Afhayeenka u hadlay Booliska ma sheegin khasaaraah ka dhashay Dagaalka saaka dhexmaray labada dhinac.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha Bulshada ayaa muujinaya baaxadda uu lahaa dagaalka saaka, iyadoo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dhawaanahaan waxaa si xawli ah ku socda Howgallada ka dhanka ah dadka degan dhulalka dowladda, iyadoo horay loo barakiciyay qoysas danyar ah oo deganaa qaybo badan oo dhul dawladeed ah.

Latest stories