HomeWararGuddoomiyaha Baarlamaanka Carabta oo dhammaal u soo diray Guddoomiye Cabdi Xaashi

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta oo dhammaal u soo diray Guddoomiye Cabdi Xaashi

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi waxaa xafiiskiisa soo gaartay dhambaal hambalyo ah oo ka timid Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Mudane Maxamed Axmed Al Yamaaxi kaas oo ugu hambalynayay guddoomiyaha, kaalinta Sanatar Cabdixakiim Macallin Axmed iyo dadaalkiisa ku aaddan ku guulaysiga xilka Guddoomiye kuxigeenka Guddiga Maaliyadda iyo Dhaqaalaha ee Baarlamaanka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi waxaa xafiiskiisa soo gaartay dhambaal hambalyo ah oo ka timid Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Mudane Maxamed Axmed Al Yamaaxi kaas oo ugu hambalynayay guddoomiyaha, kaalinta Sanatar Cabdixakiim Macallin Axmed iyo dadaalkiisa ku aaddan ku guulaysiga xilka Guddoomiye kuxigeenka Guddiga Maaliyadda iyo Dhaqaalaha ee Baarlamaanka Carabta.

“Mudane Guddoomiye, waxaan fursadaan uga faa’iidaysanayaa inaan kuu xaqiijiyo sida ay iiga go’an tahay in aan adkayno xiriir wada shaqayneed oo sal adag oo ay yeeshaan Aqalka Sare iyo Baarlamaanka Carabta si aan ugu wada adeegno qadiyadaha qaran ee ay wadaagaan dowladaha ku midaysan Ururka Jaamacadda Carabta”

- Advertisement -

Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta ayaa uga mahad celiyay guddoomiyaha Aqalka Sare taageerada iyo garab istaagga xilliga olilihiisa doorashsda, wuxuuna Guddoomiye Cabdi Xaashi uga mahadceliyay hambalyada iyo ku boorrinta inuu la yimaado xil gudasho wanaagsan ka dib ku guulaysiga xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta labada sano ee soo socota.

Ugu dambayn Guddoomiye Cabdi Xaashi oo guddoomay dhambaalka hambalyada ah iyo mahad celinta, ayaa u rajeeyey guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Mudane Maxammed Axmed Al Yamaaxii caafimaad, waajib gudasho joogta ah iyo ka shaqaynta shuruucda horumarka u horseedaya dakalka carabta.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts