HomeWararAbiy Axmed oo wali kusii adkeysanaya damaciisa badda Soomaaliya

Abiy Axmed oo wali kusii adkeysanaya damaciisa badda Soomaaliya

Date:

Related stories

Duq magaalo oo Mexico ah oo “guursaday” yaxaas si loo raadiyo barwaaqo

Duqa magaalada San Pedro Huamelula ee Mexico ayaa ka qeybgalay xaflad dhaqameed uu “ku guursaday” yaxaas loo labisay sida aroosad, iyadoo dadka deegaanka ay rumeysan yihiin in munaasabaddan ay keento barwaaqo, roob iyo wax-soo-saar wanaagsan.

Haweeney Ruush ah oo 27 jeer uur qaaday, 69 carruur ah dhashay

Valentina Vassilyeva ayaa taariikhda lagu xusay inay 27 jeer uur qaadday, iyadoo dhashay 69 carruur ah, oo ay ku jiraan 16 laban-laab, 7 saddex-laab iyo 4 afar-laab.

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed, oo khamiistii la hadlayay baarlamaanka dalkaas, ayaa sheegay in Ethiopia aysan ku dooneyn helista galaanka Badda Cas ah xoog iyo weerar, balse ay is-difaaci doonto, sida uu hadalka u dhigay, haddii weerar arrintan la xiriira lagu soo qaado. Bishii Janaayo, ee bilowgii sanadkan ayaa Ethiopia waxay heshiis la gashay maamulka […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed, oo khamiistii la hadlayay baarlamaanka dalkaas, ayaa sheegay in Ethiopia aysan ku dooneyn helista galaanka Badda Cas ah xoog iyo weerar, balse ay is-difaaci doonto, sida uu hadalka u dhigay, haddii weerar arrintan la xiriira lagu soo qaado.

Bishii Janaayo, ee bilowgii sanadkan ayaa Ethiopia waxay heshiis la gashay maamulka Somaliland, kaasi oo ka kireynaya Ethiopia 20km oo dhul xeebeedkeeda badda cas ah muddo 50 sano ah, taa bedelkeedana ay Somaliland Ethiopia ka helyso aqoonsi.

- Advertisement -

Abiy Ahmed ayaa helista heshiiskan ku tilmaamay mid “horumarineed,” ah oo ku salaysan baahida uu ay Ethiopia u qabto marin badeedka.

“Waxaan dalbanay in badda gaarno, taasina kuma raadin doonno weerar iyo dagaal, laakiin si hufan ayaan isaga difaaci doonnaa haddii ay wax dhacaan,” ayuu yiri Abi Axmed.

Abi Axmed waxa uu sheegay inuu ku rajo weyn yahay in himilladaasi ay Ethiopia gaarto, haddii hadda aanay gaarinna, buu yiri, ay caruurtoodu gaari doonto.

- Advertisement -

Heshiiskaasi waxa uu ka careysiiyay dowladda Soomaaliya oo ku tilmaantay mid sharci darro ah, oo meel ka dhacna ku ah qarannimadeeda iyo madax banaanideeda dhuleed.

Latest stories