HomeWararAbwaan Sugaal Cabdulle oo la xaqiijiyay inuu ku geeriyooday Qarax goordhaw ka...

Abwaan Sugaal Cabdulle oo la xaqiijiyay inuu ku geeriyooday Qarax goordhaw ka dhacay Iskuul Boliisiya

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax ismiidaamin ah oo goordhoweyd ka dhacay agagaarka Iskool Boliisiya (Scuola Di Polizia) ee magaalada Muqdisho, kaasoo sababay khasaare naf iyo dhaawacba leh. Qaraxa ayaa ka dhacay xaafad isku raranta ah oo ku dhow barxadda Iskool Boliisiya, halkaas oo ay ku yaallaan geedo ay dadku harsadaan. Waxaa la xaqiijiyay […]

- Advertisement -

Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax ismiidaamin ah oo goordhoweyd ka dhacay agagaarka Iskool Boliisiya (Scuola Di Polizia) ee magaalada Muqdisho, kaasoo sababay khasaare naf iyo dhaawacba leh. Qaraxa ayaa ka dhacay xaafad isku raranta ah oo ku dhow barxadda Iskool Boliisiya, halkaas oo ay ku yaallaan geedo ay dadku harsadaan. Waxaa la xaqiijiyay in qaraxan uu si gaar ah u saameeyay shacabka iyo ciidamada amniga.

Waxaa si rasmi ah loo xaqiijiyay geerida Abwaan Sugaal Cabdulle, oo muddo ka badan 40 sano ka tirsanaa kooxda Heegan ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Abwaanka oo ahaa gabyaa, mullaxan iyo heesaa caan ah, ayaa door weyn ku lahaa fanka ciidanka, wuxuuna bulshada Soomaaliyeed ku reebay raad muuqda. Geeridiisa ayaa naxdin ku abuurtay shacabka iyo fannaaniinta Soomaaliyeed oo uu muddo dheer la soo shaqeeyay.

- Advertisement -

Booliska ayaa sheegay in qaraxa uu sababay dhimashada 7 qof oo ay ku jiraan shacab iyo ciidamo boolis ah, halka 6 qof oo kale oo u badan dhaawacyo fudud loola cararay isbitaalada magaalada. Saraakiisha booliska ayaa xaqiijiyay in kooxaha gurmadka degdegga ah ay si dhaqso leh ugu howlgaleen goobta si ay u caawiyaan dadka ku waxyeelloobay qaraxa, iyadoo baaritaanno ay socdaan si loo ogaado ciddii ka dambeysay falkaasi argagixiso.

Qaraxyada ka dhaca Muqdisho ayaa wali caqabado amni ku ah caasimadda, iyadoo weeraradan ay saameyn ku yeesheen amniga shacabka iyo ciidamada oo isku dayaya inay ka hortagaan falalka amni darro.

Latest stories