HomeWararDhimasho iyo dhaawac ka dhashay dagaal ka socda Gobalka Galgaduud

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay dagaal ka socda Gobalka Galgaduud

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Dagaal ka socda deegaanka Farjano oo hoostaga Docoley, gobolka Galgaduud, ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaalka, kaas oo u dhexeeya beelo wada dega deegaanka. Xiisadda dagaalkan ayaa weli taagan, waxaana la sheegayaa in muranka uu salka ku hayo arrimo la xiriira dhul daaqsimeed iyo deegaameyn. Deegaankaasi […]

- Advertisement -

Dagaal ka socda deegaanka Farjano oo hoostaga Docoley, gobolka Galgaduud, ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaalka, kaas oo u dhexeeya beelo wada dega deegaanka. Xiisadda dagaalkan ayaa weli taagan, waxaana la sheegayaa in muranka uu salka ku hayo arrimo la xiriira dhul daaqsimeed iyo deegaameyn.

Deegaankaasi waxaa horey uga jiray xiisad dhanka lahaanshaha dhulka, taasoo marar badan keentay iska hor imaadyo soo noqnoqday. In kasta oo khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee rasmiga ah aan weli la xaqiijin, haddana warar hoose ayaa tilmaamaya in dagaalku sababay khasaare ballaaran.

- Advertisement -

Ma jirto cid si rasmi ah u kala dhex gashay dhinacyada dagaalamaya, iyadoo dadka deegaanka ay weli cabsi ka qabaan in colaadda sii daba dheeraato. Sidoo kale, maamulka Galmudug weli kama soo saarin wax war rasmi ah oo ku saabsan dagaalkan, waxaana la filayaa in dadaallo lagu xallinayo xiisaddan la bilaabo si looga hortago inay sii baahdo.

Latest stories