HomeWararShirkadda Kenya Airways oo ku dhawaaqday in ay isaga baxday suuqa duulimaadyada...

Shirkadda Kenya Airways oo ku dhawaaqday in ay isaga baxday suuqa duulimaadyada Soomaaliya

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Shirkadda Kenya Airways ayaa ku dhawaaqday in ay isaga baxday suuqa duulimaadyada Soomaaliya, kadib markii ay la tacaali weyday tartanka adag ee ka jira dhanka duulimaadyada gudaha Soomaaliya. War-saxaafadeed kasoo baxay maamulka sare ee Kenya Airways ayaa lagu sheegay in go’aankan uu yimid kaddib markii si qoto dheer loo falanqeeyey caqabadaha ganacsi ee ka jira […]

- Advertisement -

Shirkadda Kenya Airways ayaa ku dhawaaqday in ay isaga baxday suuqa duulimaadyada Soomaaliya, kadib markii ay la tacaali weyday tartanka adag ee ka jira dhanka duulimaadyada gudaha Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay maamulka sare ee Kenya Airways ayaa lagu sheegay in go’aankan uu yimid kaddib markii si qoto dheer loo falanqeeyey caqabadaha ganacsi ee ka jira suuqan, gaar ahaan dhinacyada hufnaanta shaqada iyo tartanka xoogan.

- Advertisement -

Bayaan uu diray Maareeyaha Guud ee Kenya Airways, Allan Kilavuka, ayaa lagu xusay in shirkaddu ay si rasmi ah u joojin doonto duullimaadyada rakaabka ee Muqdisho laga bilaabo 14-ka Oktoobar 2024. Warqad u diray Wasaaradda Gaadiidka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu Kilavuka ku sheegay in culeysyo shaqo iyo tartanka adeegyada qiimaha jaban ee shirkadaha maxalliga ah ay horseedeen go’aankan adag.

Tan iyo markii ay Kenya Airways dib u bilowday duulimaadyadeeda Soomaaliya lix bilood ka hor, waxay la kulantay tartan xoog leh oo kaga imaanayay shirkadaha kale ee bixiya adeegyo raqiis ah. Diyaaradaha qaadka ee maalin kasta duula, oo isna saameyn ku leh suuqa, ayaa sidoo kale la rumeysan yahay inay kaalin ku lahaayeen sababta ay shirkaddu uga baxday suuqan muhiimka ah.

Latest stories