HomeWararMaxay yihiin Qodobada ay sida gaarka ah kaga wada hadleen MW Xasan...

Maxay yihiin Qodobada ay sida gaarka ah kaga wada hadleen MW Xasan Sheekh iyo Madaxaweynaha Eritrea?

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaaray magaalada Asmara ee caasimadda Eritrea, halkaas oo uu booqasho shaqo rasmi ah ku billaabay. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Asmara, iyada oo uu soo dhaweyntiisa hormuud ka ahaa Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, iyo xubno sare oo ka […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaaray magaalada Asmara ee caasimadda Eritrea, halkaas oo uu booqasho shaqo rasmi ah ku billaabay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Asmara, iyada oo uu soo dhaweyntiisa hormuud ka ahaa Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, iyo xubno sare oo ka tirsan dowladda dalkaasi.

- Advertisement -

Kulanka labada madaxweyne ayaa xoogga lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Eritrea, iyada oo diiradda la saaray arrimaha gobolka, oo ay ugu muhiimsan yihiin nabadgelyada iyo amniga. Xiisadaha gobolka, gaar ahaan kuwa ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Itoobiya, ayaa sidoo kale kamid ahaa mawduucyada muhiimka ah ee labada hoggaamiye ay ka wada hadleen.

Booqashadan ayaa ku soo aadeysa xilli ay sare u sii kacayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhex jira Soomaaliya iyo Itoobiya, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara xaaladda gobolka oo dhan. Eriteria oo qeyb muhiim ah ka ah tababarada iyo taageerada ciidamada Soomaaliya, ayaa horey u martigelisay kumannaan askari oo Soomaaliyeed, kuwaas oo lagu soo tababaray gudaha dalkaas.

Latest stories