HomeWararDagaal culus iyo duqeymo ka socdaan xerada Jabaaliya ee Waqooyiga Gaza

Dagaal culus iyo duqeymo ka socdaan xerada Jabaaliya ee Waqooyiga Gaza

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Dagaal culus iyo duqeymo ayaa lagu soo warramayaa in ay wali ka socdaan xerada Jabaaliya ee Waqooyiga Gaza, halkaas oo ay mar kale ciidamada Isra’il weerareen horraanti todobaadkaan. Saraakiisha caafimaadka Gaza ayaa sheegay in inti u dhaxeysay Axaddii ilaa Arbacadi xerada qaxootiga Jabaaliyah laga helay meydad ka badan 54. Dadka deegaanka ayaa sheegay in kumannaan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dagaal culus iyo duqeymo ayaa lagu soo warramayaa in ay wali ka socdaan xerada Jabaaliya ee Waqooyiga Gaza, halkaas oo ay mar kale ciidamada Isra’il weerareen horraanti todobaadkaan.

Saraakiisha caafimaadka Gaza ayaa sheegay in inti u dhaxeysay Axaddii ilaa Arbacadi xerada qaxootiga Jabaaliyah laga helay meydad ka badan 54.

- Advertisement -

Dadka deegaanka ayaa sheegay in kumannaan qof ay ku go’doonsanyihiin guryaha ku dhex yaalla xerada. Ciidanka Isra’il ayaa xiray dhammaan waddooyinka gala ama ka baxa aaggaasi, marka laga reebo waddada weyn ee aadda dhinaca koofureed ee Gaza.

Dhanka Lubnan, Xisbullah ayaa Arbacadi sheegtay in dagaalyahannadeeda ay madaafiic ku garaacday ciidamo ka tirsan Isra’il oo fariisin ka dhigtay meel u dhaw tuulada Labbuuna ee galbeedka xadka labada dhinac. Waxay sheegeen in ay dib u riixeen ciidamada Isra’il ee halkaasi joogay iyo kuwo kale oo ku soo siqayay deegaannada Mays al-Jabal and Mouhaybib.

Latest stories

No posts to display