HomeWararDhammaan Mas’uuliyiintii Maxkamadda Denbiyada Culus ee Puntland oo shaqada laga Eryay

Dhammaan Mas’uuliyiintii Maxkamadda Denbiyada Culus ee Puntland oo shaqada laga Eryay

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa si rasmi ah shaqo joojin ugu samaysay dhammaan Mas’uuliyiintii Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada Culus ee Puntland, taas oo xiisad siyaasadeed iyo shaki kala dhaxeeya hay’adaha garsoorka sare u qaaday. Guddoomiyaha Maxkamadda, G/sare Cabdifitaax Xaaji Aadan, iyo dhammaan xubnaha kale ee maxkamadda ayaa shaqada laga joojiyay, iyada oo sababta ugu […]

- Advertisement -

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa si rasmi ah shaqo joojin ugu samaysay dhammaan Mas’uuliyiintii Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada Culus ee Puntland, taas oo xiisad siyaasadeed iyo shaki kala dhaxeeya hay’adaha garsoorka sare u qaaday. Guddoomiyaha Maxkamadda, G/sare Cabdifitaax Xaaji Aadan, iyo dhammaan xubnaha kale ee maxkamadda ayaa shaqada laga joojiyay, iyada oo sababta ugu weyn loo aaneeyay xukunno ay ku rideen eedeysaneyaal dhowr ah oo ay dowladdu ka biyo diiday.

Shaqada laga joojinta ayaa ku soo aadaysa waqti ay sii xoogeysanayaan khilaafyada siyaasadeed ee u dhaxeeya laamaha fulinta iyo garsoorka ee Puntland. Waxaa si gaar ah loo tilmaamay in dowladdu ka carootay go’aanno iyo xukunno ay maxkamaddu gaartay, kuwaas oo aan la faahfaahin, balse la sheegay inay mugdi gelinayaan mowqifka siyaasadeed ee maamulka.

- Advertisement -

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada Culus waa mid kamid ah hay’adaha muhiimka ah ee maamulka Puntland, waxaana la filayaa in tallaabadan ay dhaliso dood iyo su’aalo badan oo ku saabsan madaxbannaanida hay’adaha garsoorka ee Puntland. Wararka qaar ayaa tibaaxaya in mas’uuliyiintan la shaqo joojiyay ay horey uga digayeen faragelinta dhinaca fulinta ee go’aamada garsoorka, arrintaas oo ka dhigan inay sii adkeyso muranka ka jira nidaamka garsoorka Puntland.

Waxaa lagu wadaa in la magacaabo mas’uuliyiin cusub oo buuxiya boosaska maxkamadda, hase yeeshee su’aalaha ugu weyn ee taagan ayaa ah in la arko sida maamulka Puntland uu u wajihi doono dhaleeceynta ka imaan karta bulshada iyo hay’adaha caalamiga ah ee la socday xaaladda garsoorka gobolka.

Latest stories