HomeWararHowlgallo burburin ah oo Ciidanka Xoogga ka fuliyeen Shabeellaha Hoose

Howlgallo burburin ah oo Ciidanka Xoogga ka fuliyeen Shabeellaha Hoose

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Ciidamada geesiyaasha ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 7-aad ee qeybta 12-ka April, ayaa howlgallo ballaaran oo isugu jiray sifeyn iyo burburin ka sameeyay deegaanada ku teedsan wadada isku xirta Bali-doogle iyo Afgooye, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose. Howlgalkan ayaa si gaar ah u beegsaday deegaanno muhiim ah oo ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidamada geesiyaasha ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 7-aad ee qeybta 12-ka April, ayaa howlgallo ballaaran oo isugu jiray sifeyn iyo burburin ka sameeyay deegaanada ku teedsan wadada isku xirta Bali-doogle iyo Afgooye, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose. Howlgalkan ayaa si gaar ah u beegsaday deegaanno muhiim ah oo ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab, iyadoo ciidamada xooga saarayaan in ay meesha ka saaraan khataraha ku wajahan nabadda iyo amniga gobolka.

Taliyaha Guutada 7-aad, G/dhexe Axmed Cabdi Cali, oo loo yaqaan “Axmed Gaashaan”, ayaa hoggaaminayay hawlgalka, waxaana ku wehliyay Taliye Ku-xiggeenka Guutada iyo saraakiil kale oo sare.

- Advertisement -

Deegaannada howlgalka laga sameeyay ayaa waxaa ka mid ah: Baqdaad, Doonka, Kaxaroow, Jambaluul, Doon Dheere, God Doofaar, Baladul-amiin, Warmaxan, Tixsiile, iyo meelo kale oo muhiim u ah in la xoreeyo si loo xaqiijiyo nabadda Shabeellaha Hoose.

Inkastoo aysan saraakiisha Ciidanka wali si rasmi ah u shaacin khasaaraha rasmiga ah ee dagaallada, haddana wararku waxay sheegayaan in howlgalka uu sababay iska hor imaadyo kooban. Ciidanka Xoogga Dalka ayaa la sheegay inay si guul leh uga saareen deegaanno dhowr ah, iyagoo sii wada hawlgalladaas si loo xaqiijiyo in Al-Shabaab gebi ahaanba laga saaro gobolladaas muhiimka ah.

Saraakiisha ayaa ku adkeystay in ciidamada ay diyaar u yihiin inay howlgalka sii wadaan ilaa laga saaro AS deeganadaasi, iyagoo kaashanaya shacabka deegaanka oo si dhow ula shaqeynaya ciidamada.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts