HomeWararSiciid Deni oo maanta ku wajahan Magaalada Boosaaso iyo ujeedka Safarkiisa

Siciid Deni oo maanta ku wajahan Magaalada Boosaaso iyo ujeedka Safarkiisa

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo Arbaco ah ku sii jeeda magaalada Boosaaso, taas oo ah xarunta gobolka Bari. Sida ay sheegeen Ilo wareedyo ka tirsan Madaxtooyada Puntland safarka madaxweynuhu ayaa qeyb ka ah qorshayaal waaweyn oo looga golleeyahay sugidda amniga gobolka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha ku dhuumaalaysta buuraha gobolka […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo Arbaco ah ku sii jeeda magaalada Boosaaso, taas oo ah xarunta gobolka Bari. Sida ay sheegeen Ilo wareedyo ka tirsan Madaxtooyada Puntland safarka madaxweynuhu ayaa qeyb ka ah qorshayaal waaweyn oo looga golleeyahay sugidda amniga gobolka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha ku dhuumaalaysta buuraha gobolka Bari.

Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in Madaxweyne Deni uu Boosaaso kaga dhawaaqi doono dagaal ballaaran oo lagula dagaallamayo kooxaha Daacish, kuwaas oo muddooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

- Advertisement -

Qabanqaabada soo dhaweynta Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa haatan ka socota Boosaaso, waxaana si weyn loo diyaarinayaa soo dhaweyn heer sare ah oo ay ka qayb qaadanayaan maamulka gobolka, saraakiisha ciidamada, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Inta uu joogo magaalada Boosaaso, Madaxweyne Deni ayaa la filayaa inuu kulamo muhiim ah la yeesho odayaasha dhaqanka, bulshada rayidka ah, ganacsatada, iyo saraakiisha amniga, si loo dardargeliyo qorshayaasha lagu sugayo amniga iyo horumarinta gobolka Bari.

Safarka Madaxweyne Deni ayaa imanaya xilli Puntland ay wajaheyso dhibaatooyin amni oo ka dhashay weerarrada kooxaha iyo xaaladaha cakiran ee gobolka, gaar ahaan buuraha ku yaal waqooyiga Bari oo ay kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab isku uruursadeen.

Latest stories