HomeWararDolwada Soomaaliya oo shaacisay in dalka shidaal laga qodaayo sanadka cusub.

Dolwada Soomaaliya oo shaacisay in dalka shidaal laga qodaayo sanadka cusub.

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee dowladda Soomaaliya, Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed, ayaa ku dhawaaqay in dowladda Turkiga ay bisha Abril ee sannadka soo socda si rasmi ah uga bilaabi doonto qodista shidaalka xeebaha Soomaaliya. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Soomaaliya ee ah inay dardargeliso ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah ee dalka, si dhaqaalaha […]

- Advertisement -

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee dowladda Soomaaliya, Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed, ayaa ku dhawaaqay in dowladda Turkiga ay bisha Abril ee sannadka soo socda si rasmi ah uga bilaabi doonto qodista shidaalka xeebaha Soomaaliya. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Soomaaliya ee ah inay dardargeliso ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah ee dalka, si dhaqaalaha loo kobciyo loona soo afjaro faqriga.

Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay in soo saarista shidaalka ay Soomaaliya ka caawin karto in ay si dhaqso leh uga baxdo duruufaha dhaqaale ee dalka ka jira. Wuxuu tilmaamay in dowladda Turkiga ay dardar ku waddo dhammeystirka howlahii hordhaca ahaa ee qodista shidaalka, taas oo xilligan ku jirta heerkii ugu dambeeyay. Shaqadan waxay muujinaysaa xiriirka soo kordhaya ee Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinaca horumarinta kheyraadka dabiiciga ah.

- Advertisement -

Sida uu sheegay Wasiirka, goobaha laga sameyn doono sahminta iyo qodista shidaalka waxay ku yaallaan gudaha badda Soomaaliya, waxaana lagu tilmaamay inay jiraan 13 xirmo oo muhiim ah oo sahminta laga bilaabi doono. Intaa waxaa dheer in shirkad laga leeyahay dalka Qatar ay iyaduna heshiis la gashay dowladda Soomaaliya si ay sahmin shidaal uga samayso saddex goobood oo dhulka barriga ah, oo ay ka mid tahay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Wasiir Cabdirisaaq ayaa xusay in dowladdu ay illaa afar shirkadood heshiis kula gashay sahminta shidaalka badda gudaheeda ah, shirkadahanna ay ka shaqeyn doonaan meelaha ay ka mid yihiin Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed, iyo Hirshabeelle. Wuxuu sheegay in badda Soomaaliya ay ku yaallaan in ka badan 200 xirmo oo la filayo inay shidaal ka buuxaan, balse weli aan sahmin buuxda lagu sameynin sababo la xiriira walaacyada dhinaca amniga iyo khilaafaadka siyaasadeed ee dalka ka jira.

Howshan soo socota ee sahminta iyo qodista shidaalka waxaa looga gol leeyahay in Soomaaliya ay ka faa’iideysato kheyraadkeeda badda iyo barigaba, si loo kobciyo dhaqaalaha dalka, loona yareeyo ku tiirsanaanta kaalmooyinka caalamiga ah. Hase yeeshee, waxay ku xiran tahay sida ay dowladdu u xalliso caqabadaha jira ee amni iyo khilaafaadka siyaasadeed, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara hirgelinta qorshahan ballaaran.

Latest stories