HomeWararMaamulka Gobolka Bari oo ka jawaabay Hadalkii kasoo baxay PSF-ta Puntland

Maamulka Gobolka Bari oo ka jawaabay Hadalkii kasoo baxay PSF-ta Puntland

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Maamulka gobolka Bari, taliska qaybta Booliska iyo maamulka degmada Boosaaso ayaa digniin adag u diray wadayaasha gaadiidka, iyagoo ku eedeeyay in ay si ula kac ah bulshada barakicinayaan si ay dhaqaale uga faa’iidaan. Mas’uuliyiinta ayaa ka digay in falalka noocan ah ay kicin karaan xaalad amni-darro, isla markaana ay saameyn taban ku yeelan karaan dadka shacabka ah oo mar horeba dhibaatooyin kala duwan la daalaa dhacayey.

Guddoomiyaha gobolka Bari iyo duqa magaalada Boosaaso ayaa caddeeyay in xaaladda magaalada ay deggan tahay, balse ay jiraan kooxo isku dayaaya inay ka faa’iideystaan duruufaha qaar si ay dhaqaale uga macaashaan. Waxay intaa ku dareen in maamulka gobolka iyo degmada ay qaadi doonaan tallaabo sharci ah oo degdeg ah cidkasta oo lagu helo inay qayb ka tahay ficilada lagu barakicinayo shacabka, iyagoo kaashanaya hay’adaha amniga sida booliska iyo ciidamada PSF.

Sidoo kale, Taliska Ciidanka PSF (Puntland Security Force) ayaa shalay si toos ah ugu baaqay shacabka ku nool xaafadaha ku teedsan garoonka diyaaradaha Boosaaso inay halkaasi isaga guuraan sababo la xiriira qorshaha amniga ee lagu sugayo goobaha muhiimka ah. Baaqan ayaa sababay in wadayaasha gaadiidka qaarkood ay ku dhaqaaqaan daadgureynta dadka ka barakacaya xaafadahaasi, iyagoo ku eedeeysan in ay qiimeyaal sare ka dalbadeen dadka si ay uga caawiyaan in ay ka guuraan guryahooda.

Mas’uuliyiinta ayaa ku celceliyay in barakicinta iyo tacaddiyada noocan ah aysan waxba ka jirin oo ay tallaabo adag ka qaadi doonaan dadka isku dayaaya inay dhibaatada sii xoojiyaan. Taliska booliska iyo ciidamada amniga ayaa si dhow ula socda xaaladda, iyagoo qorsheynaya hawlgallo ballaaran oo lagu xaqiijinayo in amniga magaalada la ilaaliyo, isla markaana shacabka la siiyo taageero iyo badbaado.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories