HomeWararMadaxweynaha Soomaaliya oo mar kale qaadacay qaabilaadda Abiy

Madaxweynaha Soomaaliya oo mar kale qaadacay qaabilaadda Abiy

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Ilo-ka tirsan ergada Soomaaliyeed ee ka qaybgalaysa kulan-weynaha Beijing ee Afrika iyo Shiinaha, ayaa Dalsan Media usoo dusiyay in hindise ay Madaxweynayaasha Jabuuti, Mauritania iyo Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo oo haatan ah ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha dhexdhexaadinta; ay ku wadahadalsiin lahaayeen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Raysal Wasaare Abiy […]

- Advertisement -

Ilo-ka tirsan ergada Soomaaliyeed ee ka qaybgalaysa kulan-weynaha Beijing ee Afrika iyo Shiinaha, ayaa Dalsan Media usoo dusiyay in hindise ay
Madaxweynayaasha Jabuuti, Mauritania iyo Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo oo haatan ah ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha dhexdhexaadinta; ay ku wadahadalsiin lahaayeen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Raysal Wasaare Abiy Axmed uu ku soo dhamaaday weji-gabax.

Warka ay heshay Dalsan Media waxa ay hoosta ka xarriiqay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu gaashaanka u daruuray la-kulanka Abiy. Tallaabada uu ku dhaqaaqay Madaxweynaha Soomaaliya oo nooceedu yahay markii labaad, waxa ay diraysaa dhambaalka ah sida ay uga go’an tahay dhowridda Midnimada, Siyaadada iyo Wadajirka Ummadeed.

- Advertisement -

Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo sameeyay isku dayo uu u marayo madaxda gobolka oo kala ah; Museveni, Ruto iyo Geelle ku guuldarraystay in uu ku gaaro himiladiisa ahayd la-fariisiga Madaxweyne Xasan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la isku raacsan yahay in diblomaasiyad ahaan uu kaga adkaaday Itoobiya, ayaa muujinaya ka go’naashihiisa gorgortan la’aanta qadiyaddan qaran.

Dowladda Federaalka Itoobiya waxa ay wajaheysa fashilka ka soo gaaray damaacinteed badda iyo berriga Soomaaliya, markii horraantii sanadkan ay heshiis ay galaangal ugu yeelanayso badda la saxeexatay maamulka Somaliland, oo sheegta in uu ka go’ay Jamhuuriyadda Federaaliga ah ee Soomaaliya.

Latest stories