HomeWararDab ka kacay goob waxbarasho oo ku taal Kenya oo ay ku...

Dab ka kacay goob waxbarasho oo ku taal Kenya oo ay ku geeriyoodeen 18 arday ah

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Saraakiisha sare ee dalka Kenya ayaa sheegay, in ugu yaraan 18 arday ay ku dhinteen 27 kalana ay ku dhaawacmeen kaddib marki uu dab qabsaday guri ay daganaayeen ardaydani oo ku dhex yaallo dugsiga hoose ee Hillside Endarasha ee gobolka Nyeri ee dalka Kenya. Madaxweyne ku xigeenka Kenya Rigathi Gachagua ayaa Jimcihi sheegay in kaliyah […]

- Advertisement -

Saraakiisha sare ee dalka Kenya ayaa sheegay, in ugu yaraan 18 arday ay ku dhinteen 27 kalana ay ku dhaawacmeen kaddib marki uu dab qabsaday guri ay daganaayeen ardaydani oo ku dhex yaallo dugsiga hoose ee Hillside Endarasha ee gobolka Nyeri ee dalka Kenya.

Madaxweyne ku xigeenka Kenya Rigathi Gachagua ayaa Jimcihi sheegay in kaliyah 86 arday oo ka mid ah guud ahaan 150 arday oo iskuulka dhex daganeyd la tiriyay, sidaasi daraadeedna laga cabsi qabo in khasaaraha uu intani ka bato.Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa ku dhawaaqay in Kenya la geliyay saddex maalin oo baroor-diiq qaran ah, si loo sharfo carruurta ku go’day masiibada dabka ee Kenya.

- Advertisement -

Wali lama oga waxa sababay dabka oo billowday habeenki uu Jimcaha soo galay, balse booliska ayaa sheegay in ay billaabeen baaritaan ku aadan cidda sababtay iyo sida ay wax u dhaceen.Afhayeenka booliska deegaanka Nyeri Resila Onyango ayaa sheegay in iskuulka ay wax ka dhigtaan carruur kan ugu weyn uu jiro 14 sano.

Latest stories