HomeWararAadan Madoobe oo Xaliyay kala aragti duwanaansho soo kala dhex gashay Xildhibaano...

Aadan Madoobe oo Xaliyay kala aragti duwanaansho soo kala dhex gashay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Kusimaha madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ku guuleystay inuu xaliyo kala aragti duwanaansho soo kala dhex gashay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kuwaas oo kasoo kala jeeda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Gobolka Banaadir. Kusimaha madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo […]

Kusimaha madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ku guuleystay inuu xaliyo kala aragti duwanaansho soo kala dhex gashay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kuwaas oo kasoo kala jeeda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Gobolka Banaadir.
Kusimaha madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xildhibaanadan kulankii ugu dambeeyay maanta la qaatay ayaa marka kulanka uu soo gaba gabeeyay waxa ay si wadajir ah ula hadleen warbaahinta.
Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas iyo Senator Siciid Siyaad Shirwac ayaa Xildhibaanadda kasoo jeeda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ka uga garaabay falcelintii ay la kulmeen iyo sida loo fasiray hadal ay horey uga sheegeen warbaahinta.
Xildhibaan Dr. Cabdirashiid Maxamed Nuur Jilley oo ku hadlayay magaca xildhibaanadda kasoo jeeda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in dhankooda ay raali gelinta ay ka aqbaleen dhigooda ay kala aragti duwanaantu ka dhaxeysay islamarkaana laga wada shaqeeyo dowladnimada Soomaaliyeed iyo in meel looga soo wada jeesto cadowga umadda Soomaaliyeed.

Latest stories