HomeWararCaro ka dhalatay Xarigga Xildhibaan maxamed Abiib oo ka taagan Gobalka Awdal

Caro ka dhalatay Xarigga Xildhibaan maxamed Abiib oo ka taagan Gobalka Awdal

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Xiisad culus ayaa saaka laga dareemayaa Gobolka Awdal, kaddib xariggii xildhibaan Maxamed Abiib, taasoo abuurtay kacdoon iyo caro xooggan oo ka taagan magaalada Boorama iyo deegaannada ku dhow. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in jidka isku xira Boorama iyo Hargeysa, gaar ahaan meesha lagu magacaabo Gorayo-Cawl, ay gooyeen kooxo hubeysan, taasoo keentay in isu-socodkii gaadiidka uu istaago, iyadoo gaadiid badan ay halkaasi ku xaniban yihiin.

Dadweynaha magaalada Boorama ayaa si weyn uga falceliyay xarigga xildhibaanka, waxaana magaalada laga dareemayaa dhiilo iyo caro aad u xooggan oo ay ka dhalatay xariggaas. Xildhibaan Maxamed Abiib, oo ka tirsan baarlamaanka Somaliland, ayaa shalay lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Cigaal, iyadoo ay koox rag dharcad ah oo ka tirsan sirdoonka Somaliland ay ka dhex qabteen qeybta nasashada ee madaxda garoonka.

Xildhibaanka ayaa la sheegay in lagu qabtay isagoo aan wax war ah ka heynin qorshaha xariggiisa, wax yar kaddib markii uu soo galay garoonka. Kooxda sirdoonka ah ayaa si degdeg ah garbaha uga galay xildhibaanka, iyaga oo ku amray inuu raaco, inkastoo aan si rasmi ah loo faahfaahin sababta xarigga loo geystay.

Xariggan ayaa abuuray shaki iyo dareen aan wanaagsaneyn oo ka dhex dhashay bulshada iyo siyaasiyiinta, iyadoo su’aalo badan la iska weydiinayo sababta ka dambeysa xarigga xildhibaanka. Qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo shacabka Gobolka Awdal ayaa u arka xariggan mid si gaar ah loola beegsanayo xildhibaan Maxamed Abiib, taasoo laga yaabo inay saameyn ku yeelato xiriirka siyaasadeed ee ka dhex jira Somaliland iyo maamulka Gobolka Awdal.

Wararka qaar ayaa soo sheegaya in xarigga xildhibaanka uu salka ku hayo khilaaf siyaasadeed oo ka dhex oogan maamulka Somaliland, iyadoo qaar ka mid ah dadka u dhuun daloola arrimaha siyaasadda ay rumeysan yihiin in xariggu uu la xiriiri karo mowqifyada siyaasadeed ee uu xildhibaanku ku soo bandhigay baarlamaanka.

 

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories