HomeWararDowladda Imaaraadka Carabta ayaa si rasmi ah u aqbashay safiirka Taalibaan

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si rasmi ah u aqbashay safiirka Taalibaan

Date:

Related stories

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray kumannaan askari Xananbuure

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tababar u soo xiray kumannaan askari oo hal sano ku qaatay Xananbuure, kuwaas oo ah ciidamadii ugu badnaa ee tababar ku qaata gudaha dalka tan iyo burburkii 1991-kii.

Jeexjeexyada Maqaarka: Yaa Ku Dhaca, Ma La Daaweyn Karaa?

Jeexjeexyada maqaarka waa xarriiqo caadi ah oo ka dhalan kara miisaan isbeddel uur, koritaanka jirka ama arrimo hidde-side ah Laakiin maxa sababa, yaase ugu badan mase dhab ahaan waa la daaweyn karaa?

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si rasmi ah u aqbashay waraaqaha aqoonsiga ee safiirka cusub ee Afghanistan, oo ay soo magacowday dowladda Taliban, si uu u noqdo wakiilka rasmiga ah ee Afghanistan ee dalka Imaaraadka. Tani waxay muujinaysaa in Imaaraatku uu sii wadi doono xiriirka diblomaasiyadeed iyo taageerada uu siiyo Afghanistan, oo ay ku jiraan mashaariicda […]

- Advertisement -

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si rasmi ah u aqbashay waraaqaha aqoonsiga ee safiirka cusub ee Afghanistan, oo ay soo magacowday dowladda Taliban, si uu u noqdo wakiilka rasmiga ah ee Afghanistan ee dalka Imaaraadka. Tani waxay muujinaysaa in Imaaraatku uu sii wadi doono xiriirka diblomaasiyadeed iyo taageerada uu siiyo Afghanistan, oo ay ku jiraan mashaariicda horumarinta iyo dib u dhiska ee uu Imaaraatku ka wado dalkaas.

Sarkaal ka tirsan dowladda Imaaraadka Carabta ayaa xaqiijiyey warkan, isagoo Reuters u sheegay in tallaabadani ay mar kale caddeyn u tahay go’aanka Imaaraatiga ee ku aaddan kaalmeynta Afghanistan. Sarkaalka ayaa xusay in taageeradaasi ay si gaar ah diiradda u saareyso mashaariicda horumarineed iyo kuwa dib u dhiska, balse ma uusan caddeynin in Imaaraatku uu si rasmi ah u aqoonsaday Taliban inay tahay dowladda rasmiga ah ee Afghanistan.

- Advertisement -

Diblomaasiyiinta Taliban ayaa tan iyo sanadkii hore gacanta ku hayay safaaradda Afghanistan ee magaalada Abu Dhabi iyo qunsuliyadda ay ku leedahay Dubai. Tani waxay ka dhigaysaa Imaaraadka mid kamid ah dalalka yar ee xiriir dhow la leh Taliban, inkastoo uu shaki jiro oo ku saabsan heerka aqoonsiga rasmiga ah ee Imaaraatku siiyey maamulka Taliban, oo la wareegay talada Afghanistan kadib markii uu dalka ka baxay Mareykanku bishii Agoosto ee sanadkii 2021.

Latest stories