HomeWararShacabka Muqdisho oo maanta isugu so baxaya Bannaanbax ka dhan ah Weerarkii...

Shacabka Muqdisho oo maanta isugu so baxaya Bannaanbax ka dhan ah Weerarkii Liido

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Bannaanbax ballaaran oo looga soo hor jeedo falkii habeenno ka hor AS ay ku qarxiyeen dad shacab ah oo ku caweynaayay Xeebta Liido ayaa maanta ka dhacaya isla goobtii Labo Habeen ka hor la qarxiyay. Dad weyne aad u farabadan oo u badan dhalinyaro ayaa isugu yimid Saaka Xeebta Liido, waxaana hadda socda qaban-qaabada iyo […]

- Advertisement -

Bannaanbax ballaaran oo looga soo hor jeedo falkii habeenno ka hor AS ay ku qarxiyeen dad shacab ah oo ku caweynaayay Xeebta Liido ayaa maanta ka dhacaya isla goobtii Labo Habeen ka hor la qarxiyay.

Dad weyne aad u farabadan oo u badan dhalinyaro ayaa isugu yimid Saaka Xeebta Liido, waxaana hadda socda qaban-qaabada iyo diyaar garowgii ugu dambeeyay ee billaabashada Bannaanbaxa.

- Advertisement -

Dadka isugu soo baxaya Xeebta Liido ayaa muujin doona sida ay uga xun yihiin Xasuuqii 2 Habeen ka hor lagula kacay shacab dhalinyaro u badnaa oo ku damaashaadaayay Xeebta, waxaana dad weynahu ka kala imaan doonaan degmooyinka Gabolkani Banaadir.

Masuuliyiin kantirsan Dowladda Soomaaliya ayaa ka qayb gali doona Banaanbaxa, oo ay ugu horeeyaan Maamulka Gobalka Banaadir, iyadoo la filayo in Masuuliyiinta kala duwani ay la hadlaan kumaan shacab ah oo isugu imaamaya maanta Xeebta Liido, gaar ahaan Halkii habeenno ka hor la weeraray.

Subaxnimadii hore ee Saaka waxaa laga dareemayay Xeebta diyaar garowga loogu jiro qaban qaabada Bannaanbaxa, waxaana ilaa iyo hadda goobta soo gaaray dadweyne aad u farabadan oo laga dareemayo wajiyadooda sida ay uga xun yihiin wixii habeen dhaweyd ka dhacay Xeebta Liido.

- Advertisement -

Ciidamada ammaanka ayaa lagu arkayaa waddooyin iyo dhammaanba goobta loo qorsheeyay bannaanbaxa.

Latest stories