HomeWararSoomaaliya iyo Sacuudiga oo kulan ka yeeshay arrimaha horumarinta

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo kulan ka yeeshay arrimaha horumarinta

Date:

Related stories

Wasiir Xoosh oo booqday matxafka Qaranka ee ciidanka Algeria

Wasiir Xoosh oo booqday Matxafka Qaranka ee Algeria. Wuxuu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo muhiimadda iskaashiga labada dal.

Digniin culus: Farmaajo oo Mareykanka kula Wadaagay khilaafka doorashada

Farmaajo oo kulan la qaatay diblomaasiyiinta Mareykanka, kuna digay doorasho hal dhinac ah. “Mucaaradku ma aqbali doono,

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta cusub

Soomaaliya: Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdifitaax Qaasim.

HIQ oo xiray tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gebagebeysay tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka.

Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xassan Aadan oo booqasho shaqo oo rasmi ah ku joogay magaalada Riyad ee dalka Sucuudiga ayaa kulan miradhal ah la qaatay dhiggiisa dowladda Boqortooyada Sucuudiga Mudane Eng. Abdulrahman Abdulmohsen AlFadley.

Labada dhinac ayaa ka wadahadalnay xoojinta kaalinta naga-ga aadan xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, iskaashi dhinaca horumarinta Kalluumeysiga ah iyo in dowladda Sucuudigu ay maalgashi wax ku ool ah ku sameyso dhaqaalaha Buluugga ee dalkeenna gaar ahaan Kalluumeysiga.

Wasiirka Wasaaradda Mudane Axmed Xassan Aadan ayaa yiri “Waxaan hoosta ka wada-xariiqnay muhiimadda ay lee dahay iskaashiga labada dowladood iyo maalgashi ay ganacsatada sucuudigu ku sameeyeen Kalluumeysiga gudaha, aniga oo la wadaagay fursadaha dihan ee ka jira maalgashiga Kalluumeysiga dalka”.

Isaga oo intaa ku daray in uu jiro dedaal gaar ah oo uu ku bixinayo in dalkeennu uu helo maalgashi caalami ah kaas oo wax ka tari kara kordhinta dakhliga iyo wax soosaarka gudaha horseedna u noqon kara in dalkeennu uu gaaro isku filnaansho dhaqaale oo waara.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories