HomeWararAskar horay u dishay Wiil Arday ah oo dil Toogasho ah lagu...

Askar horay u dishay Wiil Arday ah oo dil Toogasho ah lagu xukumay

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Maxkamada ciidamada qalaba sida ee Soomaaliya ayaa xukuno kala duwan ku ridey rag hore u diley wiil dhalinyaro ah oo Arday ah. Raga la xukumay ayaa lagu kala magacaabi jirey,Dable Xoogga Axmed Maxamed Raage (Qataatow) , Dable Cabdi Axmed Cadow Axmed iyo Dable Farxaan Aadan Nuur Cilmi, ayaa si wadajir ah loogu soo eedeeyey in […]

- Advertisement -

Maxkamada ciidamada qalaba sida ee Soomaaliya ayaa xukuno kala duwan ku ridey rag hore u diley wiil dhalinyaro ah oo Arday ah.

Raga la xukumay ayaa lagu kala magacaabi jirey,Dable Xoogga Axmed Maxamed Raage (Qataatow) , Dable Cabdi Axmed Cadow Axmed iyo Dable Farxaan Aadan Nuur Cilmi, ayaa si wadajir ah loogu soo eedeeyey in ay geeysteen Dilka marxuum Cabdullaahi Cabdi Isxaaq oo ahaa arday siddeed iyo toban jir ah oo dhiganayey sanadkiisii ugu horreeyey ee dugsiga sare.

- Advertisement -

Waxaa kale oo diiwaankooda eeda ku jirta Afduub iyo Bur-burinta gaari uu lahaa muwaadin Soomaaliyeed oo ay ku fureen rasaas.

Eedeysaneyaashaan oo isticmaalayey waxyaabaha maanka dooriya ayaa dilay Marxuum Cabdullaahi Cabdi Isxaaq oo marayey inta u dhexeyso Deyniile iyo Garasbaaleey, xilli uu la socday saaxiibadiis oo ay wada saarnaayeen Gaari Propox ah, marxuumka ayaana u geeriyooday rasaas ay eedeeysaneyaasha ku fureen gaariga taariikdu markii ay aheyd Tobankii bisha April ee Sanadkaan 2024.

Ka hor falkaan waxay si khasab ah ku afduubteen Dhibane C/wahaab Siyaad Jamaal oo wade ka ahaa gaari Nooha oo ah kii lagu horjaray gaariga marxuumka uu saarnaa.Eedeysaneyaasha o baxsaday dhacdadaan kadib, ayaa gacanta Hay’adaha ammaanka oo ku raad-joogay waxay soo galeen maalmo kala duwan oo is xig-xigay.

- Advertisement -

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Lixdii Bishaan July.Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay, Ex Dable Xoogga Axmed Maxamed Raage “Qataatow iyo Ex Dable Nisa Cabdi Axmed Cadow Axmed dil toogasho oo ah qisaasta marxuum Cabdullaahi Cabdi Isxaaq, halka Ex Dable Nisa Farxaan Aadan Nuur Cilmi lagu xukumay seddex sano oo xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

 

Latest stories