HomeWararFaah faahin: Duqeymo diyaaradeed oo laga fuliyay Gobolka Galgaduud

Faah faahin: Duqeymo diyaaradeed oo laga fuliyay Gobolka Galgaduud

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in duqeymo dhanka cirka ah oo laga fuliyay qaybo ka mid ah Gobolka Galgaduud lagu dilay xubno ka tirsan dagaalamaayasha Al-Shabaab. War lagu baahiyay Warbaahinta Ciidamada ayaa lagu sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah iyo dadka Deegaanka ayaa xalay saq-dhaxe fuliyeen howgalkaasi. Howlgal oo ahaa sida […]

- Advertisement -

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in duqeymo dhanka cirka ah oo laga fuliyay qaybo ka mid ah Gobolka Galgaduud lagu dilay xubno ka tirsan dagaalamaayasha Al-Shabaab.

War lagu baahiyay Warbaahinta Ciidamada ayaa lagu sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah iyo dadka Deegaanka ayaa xalay saq-dhaxe fuliyeen howgalkaasi.

- Advertisement -

Howlgal oo ahaa sida la sheegay mid qorsheysan oo dhanka cirka ah ayaa si gaar ah waxaa looga  fuliyay inta u dhaxeysa Mesagawey iyo Baraag Sheikh Caamir oo ka tirsan Galgaduud.

Howlgalkaan ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Xawaal xoreey iyo Raage Bariir, waxaana lagu dilay in ka badan 21 ruux oo AS ah, waxaana lagu gubay gaari Cabdi bile ah, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay warbaahinta Ciidamada Dowladda.

Weerarka ayaa la sheegay inuu ahaa mid aad loo qorsheeyay waxaana xalay saqdii dhaxe fuliyay Diyaaradaha dagaalka, waxaana si gaar ah loo beegsaday goob ay maalmihii la soo dhaafay AS isku uruursanayeen.

Latest stories