HomeWararDalka Mexico oo markii ugu horreysay ay Haweenay Madaxweyne ka noqon doonto

Dalka Mexico oo markii ugu horreysay ay Haweenay Madaxweyne ka noqon doonto

Date:

Related stories

Duq magaalo oo Mexico ah oo “guursaday” yaxaas si loo raadiyo barwaaqo

Duqa magaalada San Pedro Huamelula ee Mexico ayaa ka qeybgalay xaflad dhaqameed uu “ku guursaday” yaxaas loo labisay sida aroosad, iyadoo dadka deegaanka ay rumeysan yihiin in munaasabaddan ay keento barwaaqo, roob iyo wax-soo-saar wanaagsan.

Haweeney Ruush ah oo 27 jeer uur qaaday, 69 carruur ah dhashay

Valentina Vassilyeva ayaa taariikhda lagu xusay inay 27 jeer uur qaadday, iyadoo dhashay 69 carruur ah, oo ay ku jiraan 16 laban-laab, 7 saddex-laab iyo 4 afar-laab.

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Xisbiga talada haya ee dalka Mexico ayaa sheegtay in doorashadi Axaddii shalay ka dhacday dalkaasi ay ku guuleysatay murashaxi iyaga matalayay oo ah haweeneyda lagu magacaabo Claudia Sheinbaum. Xisbiga MORENA ayaa guushani sheegtay saacado yar kaddib marki lasoo xiray doorashada xalay fiidkii xilliga Mexico, iyaga oo sheegay in Claudia Sheinbaum ay codad aad u badan […]

- Advertisement -

Xisbiga talada haya ee dalka Mexico ayaa sheegtay in doorashadi Axaddii shalay ka dhacday dalkaasi ay ku guuleysatay murashaxi iyaga matalayay oo ah haweeneyda lagu magacaabo Claudia Sheinbaum.

Xisbiga MORENA ayaa guushani sheegtay saacado yar kaddib marki lasoo xiray doorashada xalay fiidkii xilliga Mexico, iyaga oo sheegay in Claudia Sheinbaum ay codad aad u badan ku horreyso taasoo waddada u xaareysa in ay noqoto madaxweynihi u horreeyay oo dumar ah oo hogaamiyo Mexico.

- Advertisement -

Ra’yi ururin ay sameysay xarunta Parametria ayaa muujineysa in Sheinbaum ay doorashada ka heli doonto codad dhan 56%. Sida kaso muuqatay codadka ilaa iyo hadda la tiryay, murashaxa xisbiga mucaaridka Soojit Galvez ayaa heshay 30%.

Inkasta oo aanan wali la dhameystirin guud ahaan tirinta codadka, haddana Galvez ayaanan qiran in laga guuleystay, iyada oo u sheegay taageerayaasheeda in ay dulqaad yeeshaan ilaa looga dhawaaqayo natiijada rasmiga ah.

Latest stories