HomeWararMaamulka K/Galbeed oo ka horyimid qorshaha dalka looga saarayo Ciidamada Itoobiya

Maamulka K/Galbeed oo ka horyimid qorshaha dalka looga saarayo Ciidamada Itoobiya

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa hortimid qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ku dooneyso inay dalka uga saarto dhammaadka sanadkaan ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ee ATMIS. Lataliyaha Amniga Qaranka ee Soomaaliya Xuseen Macalin oo dhawaan ka hadlaayay Telefashinka qaranka ayaa sheegay in ciidamadda Itoobiya ay guud ahaan dalka isaga […]

- Advertisement -

Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa hortimid qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ku dooneyso inay dalka uga saarto dhammaadka sanadkaan ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ee ATMIS.

Lataliyaha Amniga Qaranka ee Soomaaliya Xuseen Macalin oo dhawaan ka hadlaayay Telefashinka qaranka ayaa sheegay in ciidamadda Itoobiya ay guud ahaan dalka isaga bixi doonaan dhamaadka sanadkan 2024.

- Advertisement -

Qoraal lagu daabacay bogga Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed ku leedahay barta X ee Twitterka horrey loogu yaqiin ayaa lagu sheegay in ciidamada Itoobiya ay shaqo muhiim ah ka hayaan dalka, isla markaana aysan xilligaan dalka ka bixin karin.

“Ciidamadda Itoobiya ee ATMIS waxay hayaan howl adag, waxa aanan uga mahadcelineynaa ka qeeyb qaadashadooda howlgalka nabad ilaalinta, waxayna sii wadi doonaan in ay si joogaan oo ay doorkooda ka qaataan gobolka” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale hadalka Xuseen Macallin ku tilmaamtay mid marin habaabin ah “Koonfur Galbeed waxay ka warqabta in shaqsiyaad marin habaabin wada ay isticmaalayaan maalmahan baraha bulshada sida Xusen Macalin”.

- Advertisement -

Magaalada Baydhabo iyo degmooyin kale oo ka tirsan degaanada Koonfur galbeed ayaa waxaa ka howlgala boqolaal askari oo qeyb ka ah howlgalka ciidanka ATMIS ee Somalia.

Latest stories