HomeWararGeerida Madaxweynihii Iraan Ebrahim Raisi oo la xaqiijiyay

Geerida Madaxweynihii Iraan Ebrahim Raisi oo la xaqiijiyay

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Warbaahinta Iran ayaa maanta oo isniin ah shaacisay in madaxweyne Ebrahim Raisi uu geeriyooday, kadib markii diyaarad uu la socday ay ku burburtay dhul buuraley ah oo ku yaalla waqooyi galbeed ee dalkaasi, balse wali si rasmi ah looma xaqiijin. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, Ayatollah Ebrahim Raisi, wuxuu ku lug lahaa shil, isagoo […]

- Advertisement -

Warbaahinta Iran ayaa maanta oo isniin ah shaacisay in madaxweyne Ebrahim Raisi uu geeriyooday, kadib markii diyaarad uu la socday ay ku burburtay dhul buuraley ah oo ku yaalla waqooyi galbeed ee dalkaasi, balse wali si rasmi ah looma xaqiijin.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, Ayatollah Ebrahim Raisi, wuxuu ku lug lahaa shil, isagoo u adeegaya oo gudanaya waajibaadkiisa danta dadka Iran waana shahiiday,” ayay tiri Wakaaladda Mehr ee Iran.

- Advertisement -

Telefishinka qaranka Iran ayaa Axadii sheegay in diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo siday Raisi ay shil ku gashay gobolka Julfa ee bariga gobolka Asarbayjaan, iyadoo ay jirto xaalad cimilo xumo.

Wakaaladda wararka ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran (IRNA) ayaa ku warantay in shilkan uu ka dhacay dhulka keymaha ah ee buuraha ah ee Dizmar, una dhow magaalada Farzaghan.

Wasiirka arrimaha dibadda Hossein Amir-Abdollahian, guddoomiyaha bariga Asarbayjan iyo imaamka gobolka, ayaa sidoo kale la socday madaxweyne Raisi, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee IRNA.

Latest stories