HomeWararSomaliland oo Maanta u dabbaaldageysa Xuska 18-ka May

Somaliland oo Maanta u dabbaaldageysa Xuska 18-ka May

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Maamulka Soomaaliland ayaa maanta u dabbaaldegaya sannadguurada 33-aad ee kasoo wareegtay markii ay ku dhawaaqday gooni-isu-taagga, waxaana meelo badan oo gudaha Somaliland iyo dalalka debedda ahba ka dhacaya xaflado arrintaas ku saabsan. Madax uu ka mid yahay madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi inay maanta oo sabti khudbad ka jeedinaya Munaasabada ugu ballaaran ee xuska 18 […]

- Advertisement -

Maamulka Soomaaliland ayaa maanta u dabbaaldegaya sannadguurada 33-aad ee kasoo wareegtay markii ay ku dhawaaqday gooni-isu-taagga, waxaana meelo badan oo gudaha Somaliland iyo dalalka debedda ahba ka dhacaya xaflado arrintaas ku saabsan.

Madax uu ka mid yahay madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi inay maanta oo sabti khudbad ka jeedinaya Munaasabada ugu ballaaran ee xuska 18 May oo ka socota magaalasa Hargeysa ee caasimadda Maamulkaasi.

- Advertisement -

Madaxweyne Bixii ayaa khudbadiisa uga hadli doona arrimo dhowr ah oo kamid yihiin  xaaladda guud ee deegaannada Somaliland, doorashooyinka kusoo foolka leh Maamulka, heshiiskii ay la galeen Itoobiya iyo arrimo kale oo ku aadan dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale musharaxa madaxweyne ee Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro iyo qaar kale oo kamid ah mas’uuliyiinta Somaliland ayaa xalay hadal u jeediyey shacabka.

Si kastaba, Somaliland ayaa sanad kasta u dabaaldagta xuska 18 May oo ah markii ku dhawaaqeen inay ka go’een Soomaaliya inteeda kale, iyagoona dalalka caalamka ka raadiya aqoonsi ah in loo aqoonsado dowlad madax bannaan.

- Advertisement -

 

 

 

Latest stories