HomeWararBurcad-badeed Soomaali ah oo Weerartay Markab Shidaal oo gacanta lagu dhigay

Burcad-badeed Soomaali ah oo Weerartay Markab Shidaal oo gacanta lagu dhigay

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Ciidamada badda ee Midowga Yurub ayaa Jimcihii xabsiga dhigay lix qof oo looga shakisan yahay in ay yihiin burcad-badeed Soomaali ah, kadib markii ay rasaas ku fureen markab shidaal oo marayay gacanka cadmeed. Saraakiisha ciidanka badda ee Midowga Yurub ee hoggaaminayay howlgalka lagu qabtay ragga burcada Soomaalida ah ayaa sheegay in raggaas ay weerareen markabka […]

- Advertisement -

Ciidamada badda ee Midowga Yurub ayaa Jimcihii xabsiga dhigay lix qof oo looga shakisan yahay in ay yihiin burcad-badeed Soomaali ah, kadib markii ay rasaas ku fureen markab shidaal oo marayay gacanka cadmeed.

Saraakiisha ciidanka badda ee Midowga Yurub ee hoggaaminayay howlgalka lagu qabtay ragga burcada Soomaalida ah ayaa sheegay in raggaas ay weerareen markabka oo sitay calanka Jasiiradaha Marshall, kaasi oo ku socdaalayay gacanka cadmeed.

- Advertisement -

Burcada ayaa la tilmaamay inay marka hore rasaas dhowr ah ku fureen markabka shidaalka oo ay saarnaayeen ciidamo hubeysan, waxaana intaas kadib la xusay in ciidankaasi la socday ay iyaguna rasaas kale ugu jawaabeen, taasi oo khasaaro dhalisay.

Rasaasta lagu riday doonta ay wataeen burcad-badeeda Soomaalida ahaa ayaa ku dhacday fuusto shidaal ah oo saarneyd doonta, taasi oo qaraxday, isla markaana uu sababay inay doonta gubato, ay dhaawacmeen raggii weerarka ku qaaday markabka.

Si kastaba, ha’ahaatee Weerarrada badda ee muddooyinkaan socday ayaa hoos u dhigay isu gudubka ganacsiyada ee marin-biyoodkan muhiimka ah ilaa Kanaalka Suweys iyo Badda Mediterranean-ka.

Latest stories